X
    Categories: Warar

Xaaladda Beledweyne Oo Kacsan Kaddib Xiisad Ka Dhalatay Saraal Qaramada Midoobay Ka Tirsanaa Oo Lagu Dilay

Gaadika dagaalka oo ku qulqlaya Beledweyn kaddib Xiisadda ka dhalatay dilka

Beledweyn(ANN)Xaaladda Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa kacsan. kaddib markii ay Xiisad ka dhlatay Sarkaal Qaramada Midoobay u shaqaynayay oo lagu dilay halkaa xalay.

Marxuum Mahdi xasan Shiikhaal, ayaa toogasho lagu dilay, wuuxuna sarkaalku u shaqaynayay Hay’adda Qaramada Midoobay, waxaana dilka Sarkaalkaa ka dhashay xiisad muujisay xaalad collaadeed oo laga cabsi qabo inay waxyeesho amaanka gobolka oo horeba u liitay.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada amniga ee maamulka gobolka Hiiraan masuul ka haayeen dilka toogashada ah ee lagu fuliyay sarkaalkaa, balse lama ogga sababta dhabta ah ee loo dilay.

Dhacdada dilkaa oo saamayn ku yeelatay dhaqdhaqaaqa iyo ganacsiga Magaalada, ayaa sababtay inay soo buux dhafiyaan Gawaadhida dagaalka iyo maleeshiyo beeleedyo, kuwaas oo ka cadhaysan dilka marxuunkaa, balse Odayaasha Dhaqanka ayaa isku dayaya inay xaalada dejiyaan inkastoo wali xiisadu taagan tahay, isla markaana ay si fudud xaalada amaanku faraha uga bixi karto.

Araweelo Ngti ews Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post