Araweelo News Network

Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigiisa oo la hadlaya dadka ku sugan deegaamada abaartu saamaysay ee bariga dalka

Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigiisa oo la hadlaya dadka ku sugan deegaamada abaartu saamaysay ee bariga dalka

Burco (ANN) Qofkii ugu horreeyey ayaa la xaqiijiyey inuu u geeriyooday harraad iyo biyo la’aan ka dhashay abaarta qallafsan ee ka taagan degaannada bariga dalka Jamhuuriyadda Somaliland maalintii Axadda ee todobaadkan.
Badhasaabka Gobolka Togdheer Md. Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo) oo hadal ka jeediyey kulan Madaxweyne Siilaanyo kula yeeshay Guddida Abaaraha ee Gobolka magaalada Burco shalay, waxa uu caddeeyey in wiil 12 jir ah u geeriyooday harraad.
“Waxa hadda (shalay) la ii soo sheegay inan yar oo baadi-doon ugu jiray geel ka lumay ayaa ku dhintay duleedka Coodanle, wuxuuna u geeriyooday harraad (oon). Wuxuu ahaa wiil 12 jir ah,” ayuu yidhi Badhasaabka Togdheer.
Waxa uu intaas ku daray, “Xooluhu way haystaan waxogaa ay dhulka ka sii cunaan, laakiin waxa hadda noogu daran waa harraad iyo biyo la’aan, waxaanan xoogga saarnay sidii aannu biyo ugu heli lahayn dadka. Waxa aannu dib u kicinnay ceelal biyood oo muddo xidhnaa, sida ceelka la yidhaa Ceel-xumo oo degaanka Oodweyne ah. Waxa aannu dib u kicinnay ceelka Qabri-huluul.”
“Waxa aannu ku talinayaa in xoogga ugu weyn aynu saarno inaynu helno biyo, waxyaabaha ugu badan ee dhulkeenna haystaana waa oomane, markaa haddii dadka ceelal u dhaw yihiin waxa laga yaabaa inay biyo helaan, waxana dadka haysta biyo la’aan iyo cunto la’aan.”
Guddoomiye Qabo ayaa sidoo kale ka hadlay dhibaatooyinka kala duwan ee ay la kulmaan dadka ka hayaamay degaannada abaarta ah, waxaannu yidhi; “Berigii hore dadku awr ayey ku guuri jireen, laakiin imminka dadka iyo xoolihiiba gaadiid ayaa la soo saaraa, gaadhigaasina wuxuu doonaa inuu farsad labaad soo qaado, markaa adhiga uu sito 20% ilaa 15% waxay ku dhex baqtiyaan baabuurka dhexdiisa.
Dadka soo guuray waxa ay ka soo guureen dhul bannaan ah amma seerayaal, mana yaqaanaan xidhadka iyo kaymaha. Mushkiladda ugu weyn ee aannu soo aragnay ee dadkaas haysata waa marka xoolihii la dejiyey ee ay arkeen waxogaa doog amma caws ah waxay gelayaan dhirta, hooyaduna uma baran, carruurtuna ma arag meelo kaymo ah, sida Coodanle iyo Madheedhka oo kale (degaanno kaymo badan), markaa xooluhu way ka lumaan, carruurtuna way ka lumaan, had iyo jeerna waxaad arkaysaa hooyo carruurtii haysata oo xoolihiina ka lumeen.”
“Dhibta kale ee dadka haysata waxa weeye inta badan ma leh hoy ay galaan, mana laha hu’ (dhar), markaa waa in aynu xoogga saarno marka aynu wax bixinayno in aynu u gayno bustayaal, waqtigii dhaxanta ayaana lagu jiraa, waana abaar horteed, waxaynu isku diyaarinaynaa, kuna talogelaynaa shan bilood oo jiilaal ah, waxana la innaga rabaa kaydkeeda, ku-talogalkeeda iyo wax badan oo kale, lana diyaariyo taandhooyin iyo kaadhadh dadka la siiyo,” ayuu yidhi Badhasaabka Togdheer.
Safarkii Madaxweynuhu ku maray degaannada bariga shalay
Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Silaanyo iyo weftiga uu hoggaaminayey ee gobollada Bariga, ayaa subaxnimadii hore ee shalay ka baxay magaalada Burco, waxayna socod kormeer ah ku mareen magaalooyinka Shanshacadde, Bali-calanle, Taalabuur, Degmada Ballidhiig, magaalada Coodanle, Degmada Qorilugud oo ka tirsan Gobolka Buuhoodle, iyo Degmada Wadaamogoo, iyadoo
Madaxweynuhu kormeeray dadka reer guuraaga ah ee abaartu saamaysay, kana soo hayaamay deegaamadii ay ku sugnaayeen.
Madaxweynaha iyo weftigiisu waxay socdaal dheer ku galaabixiyeen deegaamada abaartu saamaysay iyo goobaha ay ku soo hayaameen dadka xoolo-dhaqatada ah ee abaartu haleeshay, waxaannu Madaxweynuhu dadkaasi u qaybiyey biyo, raashin kala duwan iyo weliba lacago kaash iyo doolar isugu jira oo loogu talogalay in lagu taakuleeyo dadka jilicsan ee aan awoodin inay sugaan wixii daruuri ah sida caafimaadka.
Madaxweynaha oo dadka u ducaynayey mid midna u dul istaagay qoysas faro badan oo wadhnaa hareeraha waddooyinka, badankoodana ay xoolihii ka le’deen, waxa kaloo uu indhihiisa ka soo qaaday xoolo tiro badan oo lagaga dhaqaaqay banaanka markii ay socon waayeen ama ay talax gabeen, kuwaasoo noqday wayd ay saamaysay nafaqo-darro iyo biyo la’aan.

Safarkan Madaxweynaha ee loo bixiyey Tabantaabo oo ahaa mid xaqiiqo-raadis ah oo uu ugu kuur galayey xaaladda guud ee Abaarta dalka haleeshay, ayaa noqday mid culayskiisa leh, maadaama gurmad aan kala go’lahayn oo dad iyo duunyaba ah loo baahan yahay. Madaxweynuhu wuxuu ballanqaaday in aanay xukuumaddiisu waxba ka hagranayn shacbiga iyo duunyada abaartu haleeshay, waxa kaloo uu kormeeray ceel-biyoodka Coodanle oo riigga qodayey muddo toban maalmood gudohood ah biyo kaga gaadhay maalmaha soo socdana si toosa looga cabbi doono, haddii Ilaahay yidhaah.
Safarka Madaxweynaha Somaliland, ayaa sidoo kale ku beegmay xilli qofkii u horeeyey u geeriyooday haraad ka dhashay biyo la’aanta abaarta, kaasoo ahaa wiil yar oo 12 sanno jira, kadib markii uu geel ka lumay ka soo helay gudaha Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya oo ku beegan xadka Somaliland, iyadoo weftiga Madaxweynuhu ay seexdeen magaalada Caynabo xalay.