X
    Categories: Warar

Xaaladda Abaarta Oo Sii Xoogaysanay Deegaamada Bariga Iyo Galbeedka Oo Qayladu Isu Yeedhay

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Xaaladda Abaarta ee deegaamada gobolada Bariga, ayaa sii xoogaysatay, iyadoo ay jiraan dhawaaqyo qaylodhaan ah oo lagaga hadlayo xaalada Abaarta ee sii adkaanay.
Sidoo kale dhawaaqyo qaylodhaan ah oo lagaga hadlayo xaaladda Abaarta, ayaa kasoo yeedhaya deegaamada gobolada galbeedka Somaliland oo laga dayrinayo nolosha dadka iyo xoolaha.
Deegaamada dhinaca Hawda ee gobolka Togdheer iyo dhulka Hawdka ah, ayaa xaaladu kasii dartay, iyadoo ay deegaamada laga dayrinayo ka mid yihiin meelaha dhowaan dadka kasoo hayaamay abaarta kusoo horaysay gobolada bariga Somaliland kusoo hayaameen.
Qaar ka mid ah Odayaasha iyo waxgaradka deegaamadaa, ayaa usoo jeediyay Hoggaamiyayaasha axsaabta iyo Xukuumadda in aan lagu mashquulin xiligan lagu jiro doorasho, balse loo baahanyahay in loo guntado sidii dadka loo badbaadin lahaa, maadaama sida ay xoolihii gabaabsi ku dhow yihiin, waxayna ku baaqeen in gurmad lala gaadho dadka oo xaalad adag waajahaya kaddib markii xoolihii inta badan ka dhamaadeen.
Sidoo kale, waxay ugu baaqeen gudida Abaaraha inay la socdaan xaalada kasii daray ee deegaamadaa oo ay dadkii kusoo guuray iyo kuwii hore u deganaa xaalad khatar ah waajahayaan.
Dhinaca kale Deegaamada gobolada galbeedka, ayaa laga dayrinayaa xaalada, iyadoo Badhasaabka Gobolka Awdal Musate Cabdi Ciise oo manta warbaahinta la hadlay uu sheegay inay xaalad deg-deg ah galeen gobol ahaan, isla markaana wuxuu ku baaqay in dadka iyo xoolaha deegaamadaa loo soo gurmado, wuxuuna xusay in xukuumaddu la tacaalayso deegaamada gobolada Bariga ee Abaartu kusoo horaysay, balse ay xiligan dhinaca galbeedka Abaartu usoo gudubtay. Sidaa awgeed loo baahanyahay in gurmad lala gaadho dadka iyo xoolaha.
Hoggaamiyayaasha Axsaabta, ayaa maalmihii u danbeeyay ku mashquulsanaa arrimaha doorashooyinka madaxtooyadda ee loo qorsheeyay inay Somaliland ka qabsoomaan March 2017, iyadoo aanu jirin qorshe ay isla meel dhigeen oo ku waajahan xaalada iyo duruufaha sii xumaanaya ee Abaarta iyo sidii marxalada adag ee abaarta soo waajahday dadka iyo xoolaha ee isaga gudubtay gobolada bariga iyo galbeedka dalka mawqif looga qaadan lahaa, isla markaana meel laysaga dhigi lahaa arrimaha kaanbaynka doorashada ee duruufaha iyo xaaladaha sii murgaya ee Abaartu saamaynta ku yeelatay dad iyo duunyo.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post