X
    Categories: Warar

Xaalad Abaar Ba’an Oo Ka Jirta Deeggaanka Koonfurta Hargeysa

Araweelo News Network

Hargaysa (ANN)Cali Xaaji Cabdi “Cali Yaanbo” oo ka Mid ah Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ka hadlay Kormeer uu ku soo Maray Jiido door ah oo ka Tirsan Degmadda Balli Cabane ee Gobolka Hawd.

Cali Yaanbo oo Warbaahinta la hadlay, ayaa Sheegay in Jiidaha hoos taga degmadaasi ay ka Taagan tahay Xaalad abaareed oo Saamayn ku yeelatay Nolosha dadka iyo duunyadda.

Waxa uu Sarkaalkani Xusay in Deegaanka Balli Cabane oo Koobsada deegaamo door ahi ay ku soo hayaameen Xoolo dhaqato tiro badan taasina ay keentay inuu idlaado daaqii iyo Biyihiiba,Waxaanu ka dayriyey in Haddii Xaaladan Wax laga qaban waayo ay Nolosha Bulshada Deegaankaas oo u badan Xoolo dhaqato iyo beeralay saamayn xun ku yeelanay.

Cali Xaaji Cabdi “Cali Yaanbo” Waxa uu intaas ku daray in Sidoo kale Degmada Balli Cabane adeegyada aasaasiga ah ka liidato. Sida Caafimaadka,Waxbarashadda iyo Wixii la hal maala taasina ay ka dhigtay degmada mid ka danbaysa degmooyinka kale ee galbeedka Somaliland. Cali Xaaji Cabdi “Cali Yaanbo” oo ah Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha guddaha Somaliland, wuxuu usoo jeediyay Hay’addaha dawladda ee ay arrintani Khusayso inay Xil iska saaraan Wax ka qabashada xaaladda degmadda Balli Cabane ee Koonfurta Magaalada Hargeysa.
Dhinaca kale deegaamo badan oo Somaliland ah, gaar ahaan deegaamadda Woqooyiga iyo Koonfurta kaga beeggan Hargeysa, kuwaas oo qaylo dhaan kasoo yeedhay, balse aan weli wax jawaab ah ka helin Xukuumadda iyo Hay’addaha caalamiga ah.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 63 476 4409

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post