X
    Categories: Warar

Xaaji Cabdi-waraabe oo soo Jeediyey Talooyin iyo Dardaaran ku Saabsan Tahriibka

Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)Xildhibaan Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-waraabe) oo ka tirsan odayaasha talo-qabeenka dalka iyo Golaha Guurtida Somaliland, ayaa bixiyey talooyin iyo dardaaran ku saabsan joojinta tahriibka dhallinyaradu isku gurayaan badaha.
Xaaji Cabdikariim Xuseen oo ka hadlayey fadhi Golaha Guurtida kaga doodayey xaaladda tahriibka toddobaadkan, waxa uu soo jeediyey in ciidammada ammaanku bartilmaameedsadaan xarumaha kooxaha ka shaqaysta tahriibintu ku leeyihiin magaalooyinka dalka, isagoo waano iyo tusaale waayeelnimo kula dardaarmay dhallinyarada.
“Boolisku si aad ah ayuu u shaqaynayaa, halkay ka abbaareen ee ragga badan ku soo qabqabteen (mukhallasiinta) waa halka laga abbaari karayo, waxaan ku talinayaa xafiisyada ay ku leeyihiin Burco, Ceerigaabo, Hargeysa iyo magaalo walba oo dalka ah in xafiisyada kuwa u jooga ee daacadda u tumaya (dhallinyarada) ee dadka ka dhigaya baabuur la kireeyey la abbaaro, dabayl baa martay dhallinyaradii, waa la isla ildaran yahay aabbo iyo hooyo, markaa laga shaqeeyo oo ha la abbaaro halka asalkoodu yahay nimankaa wax tahriibinaya ee dadka iibinaya,” ayuu yidhi.
Xaaji Cabdi waxa uu tilmaamay in Somaliland tahay dal aan wax dhibaato ah oo kellifa tahriib ka jirin, sidaasi darteedna waxa uu da’yarta ku guubaabiyey inay aaminaan waddankooda oo ah mustaqbalkooda, waxaannu yidhi, “Dhallinyaradana waxaan leeyahay ragga dawladda qabsan doonaad tihiin naftiina ha hallaagina, meel Alle abuuray oo innaga wanaagsan maanta dawlidihii boqolka sanno jirayna ku dheh oo ma jirto, laguma dhex gaajoonayo dalkeenna, tacabka yaan la khasaarin si wanaagsan ayeynu u soconnaa, dawladaha boqolka jiray innagaa ka ammaan wanaagsan maanta, adeer ka jooga oo naftiinna ha ku hallaagina badda, duco qaata oo habbaar ha qaadanina, waxbarta, Ilaahay caqligiina ha soo jeediyo oo iimaanka ha inoo xasilliyo.”
Waxa kaloo uu kula taliyey Shirguddoonka Golaha Guurtida inuu wefti u kala diro gobollada dalka ka sameeya wacyigelin la xidhiidha tahriibka iyo dhibaatadiisa.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post