Araweelo News Network


Hargeysa (ANN)- Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) oo ka mid ah odayaasha ugu da’da weyn dalka Jamhuuriyadda Somaliland, kana tirsan Golaha Guurtida, ayaa in xaasidnimadu sabab u tahay in laga horyimaad wax kasta oo wanaag ah.
Xaaji Cabdi-waraabe oo hadal ka jeediyey fadhigii Golaha Guurtida, waxa kaloo uu ka hadlay dhaliilaha loo jeediyo golahooda iyo mucaaridka ka horyimi muddo-kordhintii u dambaysay ee ay sameeyeen oo uu ku tilmaamay inay yihiin qaar aan wanaag u wadin Somaliland.
“Wanaag nin wada oo aan laga hor iman lamaba arag, xumaha iyo samaha dadku aqoolaca uma waayo oo qalooca ayuu raaci og yahay, yaalana samaanta maba raacaan, maxaa yeelay xasadka ayaa badan oo ilaa anbiyadii Ilaahay ayaa la xasadayey oo laga soo horjeeday,” ayuu yidhi Xaaji Cabdi-waraabe.
Waxa kaloo uu intaas ku daray; “Inaga oo ah gole dahab ah oo aan is khilaafin oo aan iska hor iman oo nin iyo laba (mucaarida) waa laga heli karaa oo bani’aadama ayeynu nahay, haddana waa la ina soo hadal qaadayaa oo cayda iyo suuqa oo laga hadlo ayaa la inagu sameeyaa.”
“Ragga hadlayey ee mucaaridka ah ee ka hadlayey arrinkii (muddo-kordhintii) maalintii dhawayd Somaliland-nimo ayaanay doonayn oo wax kale ayey u jeedaan, taladuna way ka baydhsan tahay, waana in sidaas aynu u dhignayn loo daayo oo la saxeexo,” ayuu yidhi Xaaji Cabdikariin.
Xaajiga ayaa sidoo kale ka hadlay golayaasha la soo doortay ee dalka oo uu xusay inay yihiin qaar dhallinyaro ku jirto oo muujiyey dedaal, loona baahan yahay in la taageero, lana garab galo.
“Saluug la waayi maayo ee si basar iyo naxariisle oo xishood leh waa in looga wadahadlo wixii la qoonsado, guddoonshaha joogtada ahi waa in basar loo wadahadlo. In khilaaf, cay iyo makhaayadaha lagaga hadlo maaha,” ayuu yidhi Xaaji Cabdi-waraabe.
“Abaarta Ilaahay ayaa keenay oo Ilaahay oo qaada mooyaane loo taag heli maayo, dhibaato la’aan mayso, laakiin waxa uu yidhi is caawiya oo sida aad u kala sad roontihiin isku caawiya. Shicibka oo dhami yar iyo weyn, nin wax yar haya iyo nin wax badan hayaba inta abaartu socoto ha u socdo inuu gurmadka ka qaybgalo,” ayuu yidhi xildhibaanku.