X
    Categories: Warar

Xaaji Cabdi-waraabe Oo Ku Duceeyay In Xukuumadda Soo Socotaa La Mid Noqoto Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

Araweelo News Network


Hargeysa(ANN)- Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi-waraabe) oo ka mid ah odayaasha ugu da’da wayn Somaliland, kana tirsan xildhibaannada aqalka odayaasha ee Guurtida, ayaa Alle ka baryey in madaxweynaha iyo xukuumadda ka soo baxa doorashada Madaxtooyada ee soo socotaa ay la mid noqdaan xukuumadda hadda talada haysa ee Madaxweyne Siilaanyo.
Xaaji Cabdi-waraabe waxa uu ku ammaanay xukuumadda KULMIYE inay waxqabad iyo horumar badan ka hirgelisay dalka Somaliland, waxaannu kula taliyey madaxweynaha soo socda inuu raaco raadka uu dhigay Madaxweyne Siilaanyo.
“Waxaannu Ilaahay baryeynaa in madaxweynaha soo socda iyo xukuumadda soo socotaa inay noqoto xukuumaddan oo kale oo uu Axmed Maxamed Siilaanyo ku daydaa oo wasiirradiisa ku daydaa, mid inoogu dhalata qulqulato la’aan ay noqoto ayaanu Ilaahay ka baryeynaa,” ayuu yidhi Xaaji Cabdi-waraabe oo ka hadalyey xaflad loo sameeyey mashaariic xukuumaddu ka samaysay deegaanno ka tirsan degmada Sallaxlay, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey, “Marka hore waxaannu u mahadnaqaynaa Ilaahay, waxa kaloo aannu u mahadnaqaynaa xukuumadda maanta dhisan ee Madaxweynaha iyo wasiirrada leh ee horumarka ka samaysay Qoolcaday, waxaannu u mahadnaqaynaa dugsiga farsamada gacanta ee aannu soo marnay iyo ciddii wax ka qabatay, waxaannu si gaar ah ugu mahadnaqaynaa Wasiir Samsam Cabdi Aadan oo meeshii walba taakulo laxaad leh ka bixisa.”
Ugu dambayn, Xaaji Cabdikariin Xuseen waxa uu Alle ka baryey roob soo jabiya abaarta adag ee ka jirta dalka, “Ilaahay waxaynu ka baryeynaa inuu abaarta innaga soo jabiyo, Ilaahow abaarta dadka iyo ta duunyada labada naga kor qaad, itifaaq iyo heshiis Ilaahow na sii,” ayuu yidhi Xaaji Cabdi-waraabe.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post