X
    Categories: Warar

Xaaji Cabdi-waraabe oo ka Hadlay Dadkii Rayidka ahaa ee Ciidamada Liyuu Boolisku ku Xasuuqeen Deegaanka Gaashaamo

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Xildhibaan Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-waraabe) oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, ayaa ka hadlay dad fara badan oo la sheegay in ciidamo ka tirsan Liyuu Booliska Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ku xasuuqeen degmada Gaashaamo ee dalkaasi.
Ciidammo la sheegay inay ka mid yihiin kuwa Itoobiya, gaar ahaan Liyuu Booliska, ayaa qaab xasuuq ah u laayey dad rayid ah ku noolaa tuulada tuulada Jaamac Dubad oo hoos timaada degmada Gaashaamo ee Itoobiya maalintii Salaasadii toddobaadkan, iyadoo wararku sheegeen inay halkaasi ku dhinteen ilaa afarteeyo qof.
Haddaba, xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-waraabe) oo qaar ka mid ah warbaahinta u warramay, ayaa ugu baaqay xukuumadda Somaliland inay arrintan kala hadasho dhigeeda dalka Itoobiya si wax looga qabto mashaqadan dadka badani ku leedeen.
“Gaashaamo waxa la leeyahay dadka waxa laayey Liyuu Booliska Itoobiya, meesha mashaqaa ka dhacday baa la yidhi oo dad badan oo leh carruur, dumar iyo odayaal oo dad badan baa dhintay baa la yidhi, markaa dawladdu aad ha ula hadasho dawladda, ha loo gurmado oo labada xukuumadood ha wada hadlaan, waayo amarka waxay ka qaataan dawladda Itoobiya oo aynu jaar nahay, heshiis baynu nahay oo caawimo ayey innagu lahayd ee iskumaynu ogayn, khasaarahani askar uun buu ka dhacay ee wax dalwad ahaan uga dhashay inuu yahay u malaynmaayo, markaa labada xukuumadood ha ka wadahadlaan wax dambe in aanay dhicin, yaan laga aamusin, Ilaahayna intaa ha innagaga qaboojiyo,” ayuu yidhi Xaaji Cabdi-waraabe, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey in laga waantoobo daadashada dhiigga bani’aadamka xilligan lagu jiro bisha Ramadaan, “Waxaynu ku jirnaa bil Ramadaan oo dil daaye cayda iyo qadafka ayaan wanaagsanayn.”

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post