X
    Categories: Warar

Xaaji Cabdi Waraabe Digniin U Jeediyay Siyaasiyiinta Somaliland

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN) Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-waraabe) oo ah xildhibaannada ugu da’da wayn Golaha Guurtida iyo inta la ogyahay guud ahaan Somaliland, ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta reer Somaliland in aanay dib u soo noolayn qabyaaladda oo uu xusay in dadaal badan lagu bixiyey sidii looga gudbi lahaa.
Xaaji Cabdi-waraabe waxa uu sheegay in Somaliland ka gudubtay qabyaaladda kadib markii ay samaysatay axsaabta siyaasadda, sidaasi darteedna, siyaasiyiinta waqtigan doona han-siyaasadeed inay u maraan shirar qabiil ay yihiin fidmo abuur dib ugu celinaya shacabka dhibaato hore.
Sidaana waxa uu ku sheegay Xaajigu shir jaraa’id oo uu ku qabtay gurigiisa Hargeysa shalay, isagoo daba socday shir-siyaasadeed la sheegay inay abaabulayaan siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo kala jeeda deegaamada Galbeedka Burco iyo Koonfurta Hargeysa.
Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Shirkaasi daw maaha, shir qabyaaladeed goor aynu ku noqonno ma joogno, waxaynu cuud iyo curadba ku waynay qabyaaladda baabiinteeda, iyadii haddaynu iminka bilowno dee ma hambadeennaa is-raacaysa. Ceeb weeye, reerka la sheegay iyo qolo kale midna inuu reer hebel ku shiro maaha, xisbiyaa la furay, dawlad baynu nahay, xisbigu waa inu shiraa oo laga dhex hadlaa xisbiga, waxa jira saddex xisbi ee ninba ka uu doono ha ka dhex hadlo, laakiin reer baanu nahay oo meel baanu ku shiraynaa waxaasi waa magac-xumo, midhkaasi yuu dhicin, ragga odayaasha ah ee la yidhi hawshaas ayey abaabulayaan oo ay ku jiraan ama ka hadleen, raggaasi waa inay ka noqdaan.”
“Nin madaxnimo doonayaa anigaa reer hebel ah inuu yidhaa isagaa dadkii iyo dalkiiba wuu iska xidhay, xisbi baa lagu soo baxayaa ee reer hebel lagu soo biximaayo, shicibkuna doonimaayo, dumarka iyo dhallinyaradaay innaga ilaaliya fidmo ayuu wadaa ninka maanta bilaaba reer hebel, hambadeennaa iyo hurdaduu innaga kicinayaa,” ayuu yidhi.
Waxa kaloo Xaaji Cabdi-waraabe uu farriin u diray siyaasiyiinta ku hawlan qabashada shirkaasi oo uu kula taliyey inay damacooda siyaasadeed ku soo bandhigaan xisbiyada siyaasadda, “Siyaasiyiintaasi ha ka baxdo sidaas, shacabkuna rag iyo dumar, miyi iyo magaalo yuu maqlin qabyaalad, ma joogno goor aynu bilowno qabyaalad ee waynu ka baxnay oo walaalownay, ninkii xisbi ka hadlayaa ha ka hadlo, laakiin ma ogolin qabyaalad,” ayuu yidhi Oday Cabdikariim Xuseen (Cabdi-waraabe).
Dhinaca kale, xubno ka mid ah siyaasiyiin ka qaybgalay kulan ibo-fur u ahaa maqalka shirkan oo dhawaan ka dhacay Koonfurta Hargeysa, kana mid yihiin siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa iyo Wasiirkii hore ee Qorshaynta Somaliland Cali Sanyare, ayaa hore u sheegay in shirkoodu yahay mid labada beelood ee degaannada Galbeedka Burco iyo Koonfurta Hargeysa kaga hadlayaan danahooda, balse aannu ahayn mid xumaan iyo dhibaato kale toona ujeeddadiisu tahay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post