- “Waxaa nagu jira mutadawaciin Hindu ah oo aasa maydka Muslimiinta iyo mutadawaciin Muslimiin ah oo guba maydka Hindu ga”.
Gujurat- India (ANN)-Muddo soddon sannadood a ah Abdul Malabari, wuxu aasi jiray maydad badan oo aan la garanayn, laakiin marna ismuu odhan waxaad aasi doontaa maydad eheladoodu doonayaan in ay ku samraan laakiin aan loo ogolayn.
“Shaqadaydu waxaa in aan wakhtiga cayimo” ayuu yidhi ninkan maydadka aasa ee 51 jir ka ah “isla marka telefoon la ii soo diro anoo qalabkiisa sita ayaan dhaqaaqaa”.
Markasta oo qof ugu dhinto coronavirus Surat- magaalo ku taal gobolka galbeed ee India ee Gujurat- sarakiishu waxay telefoon u diraan Malabari. Ilaa haatan magaaladu waxa ugu dhintay 19 qof 244 qofna wuu ku dhacay, wadarta guud ee gobolkuna waa 3548.
“Wakhtigan adag, Abdul bhai [walaalkii] ayaa aad ii caawiyey” ayuu yidhi Ashish Naik, oo ah gudoomiye ku xigeenka Surat.
Akhri: Qofka Dhintay Ma Laga Qaadi karaa COVID-19?
Malabari wuxu sheegay in tani shaqadiisatahay oo uu aqbalay inuu ka shaqeeyo oo halista u badheeday. Kooxda la shaqaysaa wxay u hoydaan oo wax ka cunaan xafiiska ururkaa khayriga ah si ay ehelkooda uga ilaaliyaan in cudurku ku dhaco.
Maaha markii ugu horraysay ee Malabari hawl weyn u qabto dad aanu garanayn. Had iyo goor wuu u heelanaan oo soddon sano ka hor ah ayuu bilaabay waagaas oo cudurro dad badan laayeen, waana sababta uu haatan isla shaqadan u qabanayo.
Qofka aanu garanayn magaceedu wuxu ahaa Sakina waxayna u dhimatay HIV. Ninkeeda iyo wiil ay dhashay ayaa keenay isbitaalka laakiin way baxsadeen. In la raadiyaa la isku dayey laakiin waa la wayey.
Meydkeedu mudo bil ah ayuu qolka maydka yaalay. Saraakiishuna aad bay ugu baahnaayeen cid caawisay dabeetana waxay codsadeen in qof Muslim ah oo si mutadawacnim ah u aasa maydkaa.
Malabari oo waagaa 21 jir ahaa ayaa ka damqaday codsigaa markaas ayuu go’aansaday inuu caawiyo. Wuxuu la xidhiidhay ururka keliya eek a jiray Surat ee aasa meydadka aan la garanayn laakiin waxay u sheegeen in ninkii shaqadaa qaban jiray safar ku maqan yahay oo ay tahay in la sugo.
“In aanay gar ahayn baan dareemay”ayuu yidhi Malabari. Dabeetana wuxu tagay isbitaalkii oo uu maamulkii u sheegay in uu isagu doonayo inuu aaso Sakina.
Wuxuu xasuustaa in meydkeeu “urayey” laakiin kamuu yaayaqsoon, wuxu u tagay dhawr dumar ah oo uu garannayey oo uu ka codsaday inay meydka maydhaan sida Islaamku dhigayo. Laakiin way diideen ayuu yidhi sababtoo ah Sakina waxay u dhimatay HIV/ AIDS, oo ahaa wax aan aad loo fahamsanayn 1990.
Markaas ayuu Malabari go’aansaday in uu qudhiisu maydho maydka, isagoo adeegsanaya baaldiyo badan oo biyo ah ayuu ku shubay intaanu aasin.
Wuxu sheegay in uu markaa garawsaday in magaalada Surat ee gobolka Gujurat ee india, aanu qof keli ahi shaqadan u qaban karayn “maalin dhan bay igu qaadatay markaas ayaan garowsaday in aanan hawshan keligay qaban karayn”.
Markaas ayuu bilaabay urur khayri ah. wuxu sheegay in qoyskiisa ka shaqaysta dharku markii hore ay arintaa ka soo horjeesteen.
“Waxaan xasuustaa sidaan ugu sheegayey in Islaamku odhanayo in qof kasta waajib ka saaranyahay oo ay thay inuu qofka dhinta si qadarin leh u aaso. Waxaan qabanayaa uun waa waajibkaa aadamenimo ee i saaran”.
Maanta waxa jira cabsi weyn oo laga qabo dadka cudurka Covid-19 u dhinta maydadkooda, hase yeeshee khubarada caafimaadka ayaa sheegaya in fayraska aanu qofka dhinta cid kale qaadsiin karayn laakiin uu dharkiisa iyo oogadiisa saacado badan ku sii noolaan karo. Sidaa awgeed maydka waxa lagu dahaadhaa kiis xidhan qofna xataa ehelkiisa looma ogolaado inuu dul joogsado.
Malabari iyo kooxdiisu aad bay u taxadaraan. Waxay xidhaan Masks (Gafuur-xidh) goloofyo iyo dhar kale. Waxay sidoo kale qateen tabobar ku saabsan sida maydka cudurkaa u dhinta loo aaso. Marka hore waxay maydka ku buufiyaan dawo kiimiko ah ka idbna waxay ku xidhaan kiish caag ah oo aan waxba ka soo bixi karin intaan loo qaadin xabaasha lagu aasayo. Baabuurka lagu qaadayo maydka laftiis waa la buufiyaa marka maydka laga dejiyo sidoo kale waxa Iyana la buufiyaa xabaalaha ama goobta dadka lagu gubo ee maydka la geeyey.
Sidaas oo ay tahay ayaa hadana cabsida laga qabo fayrisku ay keentay in magaalooyinka India qarkood dadka u dhaw xabaaluhu mudaharaadaan. Malabari wuxu sheegay in uu dhibaato la kulmo laakiin uu dadka si fiican ula hadlo oo furdaamiyo artinta.
Arinta ugu adagi waxa weeyi buu yidhi siduu u qancin lahaa ehelka qof ka dhinto ee aan loo ogolayn in ay dul joogsadaan maydka ee qudhooduba ku jira karantiinka.
“Way ooyaan oo waxay codsadaan in ay meydka arkaan, waxaan u sheegnaa in ay badbaadadoodu ku jirto inaan loo ogolaan waxaanan u sheegnaa in sida diintu dhigayso aanu u aasayno”.
Wuxu sheegay in mararka qaarkood ay qof ehelka ka mid ah loo ogolaado in uu maydka meel fog ka eego “wxaanu ku qaadna baabuur gaara oo waxaanu u sheegnaa inuu meel ka durugsan maydka uga duceeyo”.
Wax badan baa iska bedelay Surat tan iyo waagii uu Sakina aasay.
Mikia wuxu sheegay in saddexdiisa caruura – inan iyo laba inan- ay ku “faraxsanyihiin” oo ay ku “faanaan” shaqada uu isagu hayo. Ururkiisa khayriga ah waxa haatan ka shaqeeya 35 qof oo mutadawaciin ah 1500 oo qof oo deeq siiyaana wa jiraan sidoo kale waxa uu taageero ka helaa dawladda.
Arinta uu ku faanayo waxay tahay ee uu sheegay in kooxdiisa ay ku jiraan dad kala diimo ah oo kala dabaqado ah “waxaa nagu jira mutadawaciin Hindu ah oo aasa maydka Muslimiinta iyo mutadawaciin Muslimiin ah oo guba maydka Hindu ga”.
Wuxu sheegay badanaa in maydadka ay aasaan yihiin kuwa dib jirka ah ama kuwa inta la jiidho laga cararo ee la garan waayo.
“Maydad ayaanu ka helnaa webiyada iyo dariiqdyada tareenada. Mararka qaarna waxay nagu qasabtaa in aanu mayd qudhmay aasno”.
Wuxu sheegay in saamaynta shaqada ay qabtaan ku yeelatay tahay wax aan la sheegi karin laakiin mudo sanado ah ay hurdadooda saamaysay, xataa wakhtiga uu la qaato qoyskiisa.
Laakiin marnaba kamuu fikirin inuu joojiyo.
“Ruuxdaydu raali bay ku tahay waxan aan qabanayo oo wax kale oo dareenkaa i siinayaa ma jiro”.