X
    Categories: Warar

Woqooyiga Kuuriya Sheegtay Inay Maraykanka Duqayn Karto

Araweelo News Network


Pyongyang (ANN)- Kuuriyada Woqooyi, ayaa sheegtay in ay ku guulaysatay tijaabinta nooc cusub oo ah gantaallada balastiga loo yaqaanno ee qaaradaha isaga kala goosha, kaas oo gaadhi kara dhammaan qaaradda dalka Maraykanku ku yaallo.

War laga baahiyey telefishinka qaranka Kuuriyada Woqooyi  ayey xukuumadda Pyongyang ku sheegtay in ay hadda xaqiijisay hadafkeedii ahaa in ay noqoto dal quwad nukliyeer ah leh.
Waa markii koowaad ee ay gantaal balastig ah tijaabiyaan muddo laba bilood ka badan.

Saraakiisha millateriga ee Kuuriyada Koonfureed, ayaa sheegay in gantaalkani dul maray bariga dalkooda, kadib markii laga soo ganay meel u dhow magaalada Pyongyang ee caasimadda Woqooyiga Kuuriya.
Khubaro ka faallooda arrimaha dalkaas, ayaa xusay in xukuumadda Pyongyang ay horumarineyso gantaalladeeda, iyadoo uga gol leh inay ku bartilmaameedsato goobaha fog-fog sida dalka Mareykanka.
Xarunta Wasaaradda Difaaca Maraykanka ee Pentagon-ka oo ka hadlay tallaabadan ay qaadday Kuuriyada Waqooyi, ayaa tilmaamay in gantaalkani u muuqdo inuu yahay gantaallada isaga kala goosha qaaradaha, waxana la sheegay in gantaalka ridday Pyongyang uu socday masaafo dhan 1000km, ka hor intii aannu ku dhicin badda Japan.
Pentagon-ka waxa kale oo ay intaa ku dareen in gantaalkani aannu khatar ku ahayn woqooyiga Maraykanka iyo xulafadiisa toona.
Madaxweynaha Mareykanka Mr. Donald Trump oo ka hadlay tijaabada gantalka Kuuriyada Woqooyi, ayaa ku dooday in arrintani tahay xaalad la xakameyn karo.
Warbaahinta dalka Japan ayaa ku warrantay in gantaalkani hawada ku jiray wax ka yar saacad, waxaanay intaa ku dareen inuu burburay ka hor inta aannu dhulka ku soo dhicin.
Arrintan ayaa muujinaysa in Kuuriyada Waqooyi weli waddo tallaabooyin ay ku horumarineyso awoodda gantaaladeeda, iyadoo ay jirto dadaallo lagu cunaqabateynayo dalkaas, kuwaas oo Maraykanku hormuud ka yahay.
Dhanka kale, tijaabinta gantaalka cusub ee Kuuriyada Waqooyi waxa si weyn u cambaaraysay dawladda Japan. Ra’iisal-wasaaraha dalkaas Shinzo Abe, ayaa markii uu soo baxay warkaasi shir degdeg ah isugu yeedhay golihiisa wasiirrada, waxaannu afhayeen u hadlay xukuumadda Tokyo sheegay in tani ay tahay mid aan la aqbali karin.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post