X
    Categories: Warar

Wixii Somaliland ku Lahaayeen Dadka Soomaaliyeed Mar Walba si Kaloo Gaar ah ha loo Maamulee Way Lahaayeen’

Araweelo News Network
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo caddeeyey in aanay Somaliland hore uga qaybgeli jirin shirarka loo qabto Soomaaliya
Hargeysa (ANN)Madaxweynaha Soomaaliya Mr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caddeeyey in aanay Somaliland hore uga qaybgeli jirin shirarka lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo waraysi uu siiyey telefiishanka la yidhaah Somali Cable TV, isla markaana la weydiiyey su’aal ahayd in ka maqnaansha Somaliland ee shirarka Soomaaliya ay dhibaato ku noqonayso maamulkiisa, waxaannu ku jawaabay in aanay arrintaasi wax dhibaato ah lahayn, maadaama aanay Somaliland horeba uga qaybgelin shirarkoodii hore loogu qabtay.
“Dabcan, Somaliland way maqnaan jirtay shirarkii hore loo qaban jiray oo shirarkan iyo New Deal (qorshaha cusub ee Soomaaliya) waa qaar Soomaaliya leedahay, mar walbana wixii reer Somaliland ku lahaayeen dadka Soomaaliyeed mar walba tixgelin gaar ah ha loo sameeyo amma si kale oo gaar ah ha loo maamulee way lahaayeen,” ayuu yidhi madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxa kaloo uu sheegay in shirkii caalamiga ahaa ee Soomaaliya loogu qabtay dalka Turkiga toddobaadkan aannu ahayn mid dhaqaale lagu qorsheeyey, balse lagu dejiyey qorshayaal kale oo la xidhiidha hawlaha dhismaha iyo doorashooyinka Soomaaliya.
“Shirkan ka dhacay Turkigu waxa uu kaga duwanaa, kuna cusbaa shirarkii hore u dhici jiray waxa uu ahaa ka maqnaansha Maamulka Puntland, arrintaasna aad iyo aad ayaannu uga xunahay, sababta reer Puntland ku maqan yihiina maaha sabab la xidhiidha shirkan iyo New Deal-ka (qorshaha cusub), laakiin waa sabab siyaasadeed oo khuseeya doorashooyinka sannadka 2016 iyo sida wax u dhacayaan,” ayuu yidhi madaxweynaha Soomaaliya.
Waxaannu ballanqaaday inuu wadahadal la furi doono Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, si looga qanciyo waxyaabaha ay tabanayaan ee ay kaga maqnaadeen shirkii u dambeeyey ee ka dhacay dalka Turkiga.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post