X
    Categories: Warar

Wiilkii Uu Dhalay Macamar Al-Qadafi Oo Laga Sii Daayay Xabsi Ku Yaal Dalka Liibiya

Araweelo News Network


Tripoli (ANN)- Seif Al-Islam oo ahaa wiilka ugu yaraa ee uu dhalay Hoggaamiyihi hore ee dalka Liibiya Macamar Al-Qadafi ayaa la sheegay in xabsiga laga sii daayay.
Wararka ayaa sheegaya in Kooxda gacanta ku haysa magaalada Zintan ee galbeedka dalka Libya ayaa sheegay inay sii dayeen Seif Al-Islam, isla markaana ay cafiyeen.

Seif al-Islam ayaa muddo dhan 6 sanno ku jiray xabsiga ku yaala dalka Liibiya kaddib markii xilka laga tuuray Aabihii sannadkii 2011-ka. Waxaana jiray warar hore oo sheegayay in la sii daayay Seif al-Islam, balse markii dambe been noqday. Siideynta Saif al Islam Qadaafi ayaa dalka Liibiya kusoo kordhin karta xaalad kale oo siyaasadeed.

Saif Al- Islam Qadaafi ayaa xabsiga la dhigay bishii novermber ee sanadkii 2012-ka xilii uu ka talaabay xadka Liibiya dalka Niger, waxaana xiligaa uu shaashadaha kasoo muuqday isaga oo ay go’an yihiin dhowr farood oo dhaawac ka muuqdo.

Sanadkii 2015-kii maxkmad ku taala magaalada Tripoli ayaa ku xukuntay dil sababa la xidhidha falal dambiyeedyo ay sheegtay in uu ka geystay dalkaasi xiligii uu socday kacdoonkii ka dhanka ahaa Aabihii.

Saif al-Islam ayaa wali waxaa doondoonaya maxkamada dambiyada caalamiga ee Hague, waxayna ku eedaynayaan dambiyo dagaal, iyo kuwa ka dhan ah bani’aadanimada. Sidaa ay sheegayaan warar aan la xaqiijin Sayf al- Islam ayaa hadda ku sugan magaalada Bayda ee ku taala bariga Liibiya, halkaas oo ehaldiisa deegaan u ah.
Saif Gadaffi ayaa wadamada reer galbeedka looga arkaa wajiga kaliya ee ka haray nidaamki Qadaafi.

Iyadoo gudaha iyo dibadda Libiya ay dad badan u muujinayaan naceyb, ayaa hadana waxaa uu xoogaha taageero ka heystaa gudaha Libya, waxaana suuragal ah in uu isku dayo in uu kusoo laabto siyaasada cakiran ee wadanka Liibiya. Sid lagu sheegay warbixintan.

Xiggasho BBC

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post