X
    Categories: Warar

Wiilka Uu Dhalay Trump Oo Sheegay Inuu Ogaa in Ruushku Garab Taagnaa Aabbihii

Araweelo News Network

Washington(ANN)- Wiilka curad ee Madaxweyne Donald Trump, ayaa la xaqiijiyey inuu ogaa in Ruushku taageeray doorashadii aabbihii loogu doortay Madaxweynaha dalka Maraykanka sannadkii hore.
Wargeyska New York Times ayaa markale daabacay in Mr. Donald Trump Jr loo sheegay in xog ku aaddan Hillary Clinton oo ay u gudbisay gabadh qareen Ruush ah qeyb ka ahayd dadaal xukuumadda Moscow ku caawinaysay ololihii doorashada Maraykanka ee aabbihii.
Mr. Rob Goldstone oo soo qabanqaabiyey kulan qarsoodi ah oo Donald Trump Jr la yeeshay garyaqaan Ruush ah bishii June ee sannadkii 2016, ayaa sidaa ku sheegay email, sida wargeysku shaaciyey.
Kulankaas oo la rumaysan yahay inuu ahaa kii ugu horreeyey ee qareen u dhashay dalka Ruushka iyo shaqsiyaadka aadka ugu dhaw madaxweynaha Maraykanka, ayaa wargeysku xusay inuu ka dhacay dabaqa Trump Tower oo ku yaal magaalada New York laba toddobaad ka hor markii Donald Trump ku guulaystay musharraxnimada Xisbiga Jamhuuriga.
Wiilka curad ee Madaxweyne Trump ayaa qiray in kulankaasi dhacay, balse wuxuu ku dooday in macluumaadka haweeyneyda Ruushka ah siisay aannu ahayn mid waxtar leh, ama xog xasaasi ah watay.
“Haweenayda qareenka ah waxay markii dambe igala kala hadashay arrin taas ka duwan oo ah sida carruurta Ruushku ula soo wareegi karaan, una korsan karaan qoysaska Maraykanka ah,” ayuu yidhi Donald Trump J.
Dhinaca kale, Afhayeen u hadlay garyaqaannada madaxweyne Trump ayaa sheegay in madaxweynuhu aannu ka war-qabin, isla markaana ka qaybgalin kulanka wiilkiisa iyo qaar ka mid ah kalkaaliyeyaashii ololaha doorashadu la yeesheen sharciyaqaannada Ruushka ah.
Guddi ka tirsan Congress-ka Maraykanka iyo dacwad-ooge gaar ah ayaa baadhitaan ku haya in kooxdii doorashada Trump iyo Ruushka uu xidhiidh ka dhexeeyay ka hor doorashadii 2016.
Baadhitaannada ayaan weli soo bandhigin wax caddeyn ah, madaxweyne Trump-na wuxuu marar badan beeniyey inuu Ruushka gacan ka helay markii uu u tartamayay madaxtinnimada Maraykanka.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post