X
    Categories: Warar

Wiil Uu Dhalay Masuul Xukuumadda Kenya Ka Tirsan Oo La Oggaaday Inuu Ka Mid Ahaa Kooxdii Weerartay Jaamacadda Gaarissa

muuqaalka wiilka oo tababar qaraxyada ah qaadanaya ka hor intaanu hawlgalkii Garissa University u bixin

Nairobi(ANN)Hay’addaha ammaanka ee dawladda Kenya, ayaa shaaciyay in mid ka mid ah afartii nin ee fuliyey weerarkii khasaaraha badan dhaliyey ee lagu qaaday Jaamacadda Gaarisa horraantii toddobaadkan uu ahaa wiil uu dhalay siyaasi caan ah oo hore xil uga soo qabtay dawladda Kenya.

Cabdiraxiim Maxamed Cabdillaahi oo ah ninka la aqoonsaday ee ku jiray dablaydii weeraray Jaamacadda Gaarisa oo dhammaantood dhintay, ayaa la sheegay in uu dhalay guddoomiyihii hore ee degaanka Buulo Jamhuri oo ka tirsan degmada Madheera.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya Mr. Mwenda Njoka, ayaa warbaahinta u sheegay in wiilkan uu dhalay masuul ka tirsanaa maamulka Gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, iyadoo looga shaki qabay inuu tegay dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, warbaahinta Kenya ayaa sheegay in wiilkan dhiganayay Kulliyadda Sharciga ee Jaamacadda Nairobi markii la waayey, horena uga baxay dugsiga sare ee WAMY sannadkii 2007.

Ardayda ka badbaaday weerarkaas ayaa sheegay in dableydu ku hadlayeen luuqadda Sawaaxiliga. Cabdiraxiim Cabdillaahi ayaa la waayey muddo haatan sannad laga joogo, isagoo aan dib ugu soo laaban gurigiisa tan iyo xilligaas.

Aabbaha wiilkan oo ku sugan Nairobi, ayaa hore ciidammada ammaanka Kenya ku wargeliyey in inankiisu sannad ka maqan yahay, isla markaana aannu garayn meel uu tegay, inkastoo la sheegay in waqtiga la waayey uu dhiganayey jaamacadda.

Ciidammada Kenya ayaa baadhitaan ku samaynaya meydadka afartii qof ee fuliyey weerarkii Jaamacadda Gaarisa oo halkaas laga saaray Sabtidii, waxana weli socdo baadhitaanno dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo haybta dablaydaas.

Xarakada Al-Shabaab oo sheegatay masa’uuliyadda weerarka ayaa waxaa horay ugu biiray dhallinyaro Keenyaan ah oo la sheegay inay sannadihii ugu dambeeyay ku tababaranayeen gudaha Soomaaliya.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post