X
    Categories: Warar

Wiil Uu Dhalay Madaxweyne Trump oo Qirtay Inuu Qareen Ruush Ah Si Qarsoodi Ah Ula Kulmay

Araweelo News Network

US President Donald Trump

New York (ANN)- Wargeyska New York Times, ayaa daabacay cadadkiisii soo baxay shalay in wiil uu dhalay madaxweynaha Maraykanka Mr. Donald Trump uu sannadkii hore aqbalay inuu la kulmo qareen Ruush ah oo xidhiidh la leh Aqalka Kremlin-ka, kadib markii loo ballanqaaday in la siin doono xog dhaawac gaadhsiinaysa Hillary Clinton.
Wargeysku waxa uu sheegay in Donald Trump Jr oo uu dhalay Madaxweynaha Maraykanka qirtay inuu kulan qarsoodi ah la yeeshay garyaqaan u dhashay dalka Ruushka oo lagu magacaabo Natalia Veselnistskaya, laakiin waxa uu xusay in aannu xog macno leh oo ku saabsan Clinton ka helin.
Sidoo kale, sida xogaha wargeysku helay caddeeyeen waxa kulankaas ka qaybgalay wiilka madaxweynuhu soddoga u yahay ee Jared Kushner iyo madixii ololaha doorashada Trump ee xilligaas Mr. Paul J Manafort.
Saraakiil Maraykan ah ayaa baadhaya eedaha la xidhiidha in Ruushku farogeliyey doorashadii Maraykanka.
FBI-da iyo aqalka Congress-ka Maraykanka ayaa labaduba doonaya in ay ogaadaan bal inay dhacday in madaxdii ololaha Trump ay si qarsoodi ah u fulinayeen shirqool la sheegay in laga soo maleegay Kremlin-ka. Haseyeeshee, baadhitaannada socdaa weli ma soo bandhigin caddaymo muujinaya in gacan-saarkaas sirta ah jiray iyo in kale.
Kulanka dhexmaray Mr. Vaselnitskaya iyo wiilka madaxweynuhu dhalay, ayaa la sheegay inuu ka dhacay daarta Trump Tower ee ku taal magaalada New York, 9kii bishii June ee sannadkii 2016, waqtigaas oo ahaa laba toddobaad uun kadib markii Donald Trump ku guulaystay musharraxnimada Xisbiga Jamhuuriga.
Waxa la rumaysan yahay inuu ahaa kulankii ugu horreeyey ee la xaqiijin karo ee si gaara ay u yeeshaan garyaqaanka Ruush ah iyo xubno ka tirsan la taliyeyaasha ugu dhow madaxweyne Trump.
Waxa kaloo New York Times sheegay in saddex la taliye oo haatan ka tirsan Aqalka Cad warbixin laga siiyey kulankaas, halka laba sarkaal oo kalena kaba warqabeen inuu dhacayo, sida ay xaqiijiyeen dad wargeysku xogta arrintan ka helay.
Arrintan ayaa haddii caddaato noqon doonto marag-muujintii ugu horreysay ee ishaarta inuu Ruushku gacan ku siiyey Donald Trump doorashadii madaxtinimada dalka Maraykanka ee uu kaga adkaaday Hillary Clinton bishii November ee sannadkii 2016.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post