X
    Categories: Warar

Wiil Dhalainyaro Ah Oo Kasoo Dhacay Dabaqa Saddexaad Ee Dhisme Huteel Ku Yaal Hargeysa

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN) Muwaadin u dhashay Somaliland oo magaciisu yahay Yaasiin Axmed Cabdi, isla markaana ah wiil dhallinyaro xirfadle ku shaqaysta qalabka tiknoolajiga guryaha lagu xidho sida kamaradaha ammaanka (CCTV), ayaa dhaawac culusi kasoo gaadhay Madaxa, kadib markii uu ka soo dhacay dabaqa saddexaad ee dhismaha huteel cusub oo lagu magacaabo Sugaal Hutel, oo laga dhisay agagaarka cusibtaalka gaarka loo leeyahay ee Gargaar ee magaalada Hargeysa.

Sida ay sheegeen ehelada ninkan waxa dhaawaciisau yahay mid culus, iyadoo dhakhaatiirtu sheegeen in lafta madaxu jabtay, isla markaana uu afka iyo sankaba ka yimi dhiig badan oo xaaladdiisa caafimaad lagula tacaalayo cusbitaalka Gargaar.

Shilkan ayaa la sheegay in loo xidhay saraakiil ka mid ah shirkad magaceedu yahay LEC Company CCTV $ Alarm System oo ah shirkada uu Ninka dhaawacu soo gaadhay ee kasoo dhacay dhismaha u shaqaynayey.

Ma jiro wax war ah oo ciidanka boolisku ilaa hadda ka soo saaray shilkaa oo loo xidhay saraakiisha shirkadda qalabka Kamaradaha amaanka ku xidhaysay dhismaha.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post