X
    Categories: Warar

Wefdiga Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ka Hadlay Heshiiska Saldhiga Millateri Ee Dawladda Imaaraadku Ka Samaynay Berbera Iyo Jawaabo Ay Ka Bixiyeen Su’aalo Laga Weydiiyay Daawo

Araweelo News Network

Soo dhowayntii Wefdiga Madaxweyne ku xigeenka Somaliland


Hargeysa(ANN)-Weftigii Uu Hoggaaminayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) eek u sugnaa maalmahan Imaaraadka Carabta, saxeexayna heshiiskii Saldhiga Berbera ayaa saaka subaxnimadii hore ku soo laabtay dalka iyadoo si balaadhan loogu soo dhaweeyey caasimada Somaliland Hargeysa.

Madaxweyne ku xigeenka iyo Wefdigiisa ayaa markaa kadib usoo baxay dhinaca Magaalada Hargeysa, halkaas oo ay dadweyne aad u tiro badani ku sugayeen wadooyinka, si qiimo lehna u qaabiley weftiga, dadkaasi oo isugu jiray madaxda dhaqanka aqoonyahanka, dhalinyarada iyo qaybo ka mida bulshada caasimada, halka madaxweyne ku xigeenkuna uu dadkaasi u degay lugna ku dhex maray. Iyagoo ku dhaqaaqayay dadweynuhu ku soo dhawaada dalkiina hooyo waxaad qaranka u horseedeen guulo midho dhal ah oo taarkhiidu xusi doonto iyo ereyo la mid ah.

wefdiga oo uu Hoggaaminayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ayaa saxaafada kula hadleen barxada hore ee garoonka Diyaaradaha Egal International Airport, iyadoo la waydiiyey su’aalo dhawr ah oo la Xidhiidha Safarkooda shaqo

Halkan Ka Daawo Masuuliyiintaa oo ka hadlay su’aalo Laga weydiiyay Heshiiskii Saldhiga Millateri ee ay soo Saxeexeen Iyo Arrimo kale.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post