X
    Categories: Warar

Wefdiga Labada Xisbi Ee Ku Sugnaa Kenya Oo Ka Hadlay Natiijada Kulamadii Ay La Yeesheen Beesha Caalamka

Wasiirka arrimaha gudaha, Maxamed Kaahin Axmed. guddoomiyaha xisbiga UCID ,Faysal Cali Waraabe

Hargeysa(ANN)-Wefdi ka kooban labada xisbi ee Somaliland ee UCID iyo Kulmiye oo ay hoggaaminayeen Wasiirka arrimaha gudaha, Maxamed Kaahin Axmed iyo guddoomiyaha xisbiga UCID ,Faysal Cali Waraabe oo maalmahan safar ku joogay dalka Kenya, ayaa ka hadlay natiijada safarkooda oo maanta soo dhammaaday.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin, ayaa u sheegay warbaahinta in mudadii ay joogeen Nairobi ay kulamo la yeesheen qaadhaan-bixiyeyaasha Midawga Yurub ee ku sugan Nairobi, Maraykanka iyo Hay’addo kale oo ay kala hadleen arrimaha doorashooyinka Somaliland ee dib u dhacay.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in mudadii ay Nairobi joogeen kulamo la yeesheen Madaxda Kenya oo ay ka wada hadleen arrimo baddan oo ay ka mid yihiin sidii xidhiidhka labada dal kor loogu qaadi lahaa iyo sidii Kenya xafiis uga furan lahayd Somaliland, balse ma sheegin masuuliyiinta ay la kulmeen kuwa ay yihiin.

Guddoomiyaha UCID, Faysal Cali Waraabe, oo dhankiisa ka hadlay safarkaa, ayaa sheegay in safarkoodu ahaa mid guul ah oo la xidhiidhay arrimaha doorashooyinka ee dib u dhacay, wuxuuna xusay in madaxda ay kula kulmeen Kenya ee Beesha Caalamka ka wada hadleen arrimahaa iyo sidii doorashada wakiiladu u qabsoomi lahayd.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post