X
    Categories: Warar

Wefdi Xukuumadda Somaliland Ah Oo Gaadhay Taleex Iyo Badhasaabka Xaysimo Oo Soo Dhoweeyay

Xaysimo(ANN)Wefdi ka socda Somaliland oo ka kooban Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano iyo Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex, ayaa gaadhay maanta magaalada Taleex ee xarunta Gobolka Xaysimo.


Wasiirka Khayraadka Biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac oo hoggaaminayay Wefdiga, ayaa sheegay in ujeedada wefdigu aanay ahayn arrimo siyaasadeed, isla markaana ay dhowaan Madaxweynaha Somaliland ka codsadeen in Ciidamada qaranka loo diro halkaa. Kadib markii dagaal dhexmaray laba dhinac oo dadka deegaanka ah.
Wasiir Baashe, wuxuu sheegay in xukuumadda masuuliyad ka saarantahay dadkeeda inay kala celiso iyo dalkeeda, sidaa awgeed wuxuu Madaxweynaha uga mahad celiyay go’aankii uu ciidanka qaranka u diray inay deegaankeeda iyo dalkeeda ilaashato, isagoo sheegay in siyaasiyiinta iyo xildhibaanada uu hoggaaminayo ee waqtigan gaadhay deegaanka ay xalinta dhibaatadii dhacday u yimaadeen.

Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka mid ah wefdiga, ayaa isna dhinaciisa sheegay in ujeedada ay halkaa u tageen tahay arrintii ciidanka qaranku u tegey dhowaan ee isku dhaca labada dhinac ee dadka deegaanka, wuxuuna sheegay in loo baahanyahay in nabad waarta laga hirgeliyo deegaanka Taleex oo uu noqdo mid nabdoon.

Guddoomiyaha Gobolka Xaysimo Cabdirashiid Maxamed Axmed (Xiir) oo wefdiga kusoo dhoweeyay Magaalada Taleex, ayaa kormeer ay kusoo mareen magaalada gudeheeda kadib, wuxuu sheegay inay wefdiga kusoo dhowaynayaan isaga iyo Taliyayaasha Ciidanka ee ku sugan halkaa magaalada Teleex.
Guddoomiye Cabdirashiid Xiir, wuxuu sheegay in amniga gobolku aad u fiicanyahay waqtigan, isagoo xusay inay xubnaha wefdigu indhohooda kusoo arkeen.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post