X
    Categories: Warar

Wefdi Ka Socda Dawladda Jarmalka Oo La Kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi (Midig) Ambassador Annett Günther(Bidix) Araweelo News Network 8 April 2019.

Hargeysa(ANN)-Wefdi ka socda Jarmalka oo uu hoggaaminayo Safiirka Dawladda Jarmalka u fadhiya dalka magaalada Nairobi, ee xarunta dalka Kenya, ayaa booqasho ku yimi Somaliland.

Ambassador  Annett Günther, oo uu weheliyo ku-xigeenkeedu, Mr. Markus Bollmohr oo maanta soo gaadhay xarunta Somaliland ee magaalada Hargeysa, waxa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixii Cabdi iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumaddiisa.

Sidaana waxa lagu sheegay War-qoraal kooban oo kasoo baxay Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyadda, Maxamuud Warsame Jaamac.

War-qoraalka oo soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network, isla markaana si kooban loogu xusay waxyaabaha lagaga hadlay kulanka Madaxweynaha iyo wefdiga Jarmalka iyo ujeeddada socdaalkooda, ayaa u qornaa sidan:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefti  ka socda dalka Jarmalka oo ay hoggaaminayso safiirka Jarmalka u fadhida Kenya Ambassador  Annett Günther, islamrkaana uu wehelinayo ku-xigeenkeedu, Mr. Markus Bollmohr.

Kulankan uu madaxweynuhu la yeeshay weftiga ka socda dalka Jarmalka oo ay ku wehelinayeen wasiirrada arrrimaha dibadda iyo iskaashiga  caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa diiradda lagu saaray arrimo badan oo salka ku haya xidhiidhka labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jarmalka ka dhexeeya.

Waxyaabaha kale ee kulankan lagaga hadlay, ayaa waxa kamid ahaa dardargelinta iyo kordhinta deeqaha uu jarmalku siiyo Somaliland, ka midho dhalinta mashaariicda horumarineed ee dawladda Jarmalku ka waddo gudaha Jamhuuriyadda  Somaliland ee ay ka midka yihiin waddooyinka iyo Biyuhu.

Arrimaha doorashooyinka, Dimuqraaddiyadda, xoojinta xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Jarmalka, waxbarashadda iyo  kalluumaysiga, ayaa iyaguna kamid ahaa waxyaabihii  laga  wada hadlay, waxana uu kulankaasi kusoo dhammaaday is fahan buuxa iyo guul.ayaa lagu yidhi, qoraalka Madaxtooyadda Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post