Hargeysa(ANN)-Wefdi ka socda Jarmalka oo uu hoggaaminayo Safiirka Dawladda Jarmalka u fadhiya dalka magaalada Nairobi, ee xarunta dalka Kenya, ayaa booqasho ku yimi Somaliland.
Ambassador Annett Günther, oo uu weheliyo ku-xigeenkeedu, Mr. Markus Bollmohr oo maanta soo gaadhay xarunta Somaliland ee magaalada Hargeysa, waxa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixii Cabdi iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumaddiisa.
Sidaana waxa lagu sheegay War-qoraal kooban oo kasoo baxay Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyadda, Maxamuud Warsame Jaamac.
War-qoraalka oo soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network, isla markaana si kooban loogu xusay waxyaabaha lagaga hadlay kulanka Madaxweynaha iyo wefdiga Jarmalka iyo ujeeddada socdaalkooda, ayaa u qornaa sidan:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefti ka socda dalka Jarmalka oo ay hoggaaminayso safiirka Jarmalka u fadhida Kenya Ambassador Annett Günther, islamrkaana uu wehelinayo ku-xigeenkeedu, Mr. Markus Bollmohr.
Kulankan uu madaxweynuhu la yeeshay weftiga ka socda dalka Jarmalka oo ay ku wehelinayeen wasiirrada arrrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa diiradda lagu saaray arrimo badan oo salka ku haya xidhiidhka labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jarmalka ka dhexeeya.
Waxyaabaha kale ee kulankan lagaga hadlay, ayaa waxa kamid ahaa dardargelinta iyo kordhinta deeqaha uu jarmalku siiyo Somaliland, ka midho dhalinta mashaariicda horumarineed ee dawladda Jarmalku ka waddo gudaha Jamhuuriyadda Somaliland ee ay ka midka yihiin waddooyinka iyo Biyuhu.
Arrimaha doorashooyinka, Dimuqraaddiyadda, xoojinta xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Jarmalka, waxbarashadda iyo kalluumaysiga, ayaa iyaguna kamid ahaa waxyaabihii laga wada hadlay, waxana uu kulankaasi kusoo dhammaaday is fahan buuxa iyo guul.ayaa lagu yidhi, qoraalka Madaxtooyadda Somaliland.