X
    Categories: Warar

Wefdi Ka Socda Dawlada Britain Oo Kulamo La Yeeshay Dhinacyada Khilaafka Ee Xisbiga KULMIYE Iyo Arrimaha Lagaga Hadlay

Hargyeysa(ANN)Wefti ka socda Dawlada Ingiriiska oo ay hogaaminayso haweenayda safiir xigeenka u ah safaaradda Ingiriiska ee Ethiopia, isla markaana uu weheliyo masuulka Ingiriiska u qaabilsan xidhiidhka Somaliland iyo dawlada Britain oo booqasho ku yimi Somaliland, ayaa kulamo la yeeshay dhinacyada Xisbiga KULMIYE ee ku muransan qaabka loo maamulayo shirka golaha dhexe ee loo asteeyay 10 Nov 2015.

Xubnaha Wefdiga, ayaa kulamo gooni gooni ah la yeeshay Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo uu weheliyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi oo kulankoodu ka dhacay qasriga Madaxtooyadda Somaliland.

Wefdiga Britain, ayaa sidoo kale la kulmay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo wasiirkii hore ee madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan, kuwaasi oo ay kala hadleen sababaha ku kalifay inay xukuumadda iska casilaan iyo waxyaabaha sababay khilaafka shirka Kulmiye.

Ma jiro war kasoo baxay kulamadaa oo ahaa, kuwo aanay saxaafadu goob joog ka hayn, balse waxa jira warar hordhaca iyo tibaaxo sheegaya in kulanka Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici iyo Guddoomiyaha KULMIYE, Muuse Biixi ay kala hadleen arrimaha Khilaafka, isla markaana ay ku war geliyeen wefdiga in guddi Madaxweynuhu u saaray arrimaha shirka ee ay dhinaca kale cabashada , isla markaana hawshaa lagu jiro oo shirku qabsoomayo xiligii loo qorsheeyay.

Halka dhinaca kale ku doodeen in aanay ku kalsoonayn guddida la magcaabay, isla markaana aanay ku qanacsanayn wixii natiijo ah ee kasoo baxa, balse ma jiraan natiijada dhabta ah ee kulanka dhinacyada iyo wefdiga Dawlada Britain.

Dhinaca kale xubnaha wefdiga, ayaa kulamo la yeeshay dhinacyada ay khusayso doorashooyinka Somaliland, kuwaas oo aan la ogayn waxyaabaha ay ka wada hadleen.
wixii kasoo baxa kulamadaa kala soco Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post