X
    Categories: Warar

Wefdi Ka Socda Dalka Imaraadka Carabta Oo Lagu Soo Dhoweeyay Somaliland Iyo Ujeedada Safarkooda

Diyaarada Wefdiga Imaaraadka

Hargeysa (ANN)Wefdi balaadhan oo ka socda Imaaraadka carabta, ayaa soo gaadhay Somaliland, kuwaasoo uu dalka kusoo dhoweeyay safiirka Somaliland ee dhawaan madaxweynuhu u magacaabay dalka imaaraadka carabta inuu Somaliland wakiil uga noqdo Amb. Baashe Cawil Cumar oo ay wehelinayaan wasiir ku xigeenka Arrimaha dibeda Somaliland, Mudane Keyse Guray, La-taliyaha madaxweynaha ee Arrimaha Hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah Amb. Cabdifataax siciid Axmed, Gudoomiyaha xafiiska diwaanka Sekada Sheekh Siciid Maxamed Daahir iyo isu-duwaha xafiiska samafalka ee Wasaaradda dib u dejinta Somaliland.

Weftigan oo ujeedada socdaalkoodu la xidhiidhay baaqii madaxweynaha Somaliland dhawaan u diray beesha calaamka iyo hay’adaha samafalka ee dhinaca Abaaraha la xidhiidh oo ay weftigii u horeeyey soo dirtay imaaraadka carabtu, ayaa safiirku ku soo dhaweeyey subaxnimadii hore ee maanta garoonka diyaaradaha ee cigaal international airport. Weftigan ayaa noqonaaya weftigii saddexaad ee dalka soo gaadha intii madaxweynuhu magacaabay wakiilka imaaraadka carabta.

?

Ugu horayna waxa halkaasi ka hadlay Safiir Somaliland Ee Wadanka Imaaraadka Carabta Baashi Cawil Cumar oo yidhi “ Maanta farxad weyn bay runtii noo tahay inaan halkan kusoo dhawayno Hay’adda KHALIIFA FOUNDATION (Hay’adda Kheyrigaa ee Dawlada Imaaraadka Carabta) maaha runtii markii ugu horaysay ee Hay’addu timi dalka een marar horey timi baa jirtay oo ay ka waday haday noqoto mashaariicdii biyaha ama dhakhtarka, hasayeeshee muhiimada hada ugu wayne ay u timi runtii waxay ahayd inay u kuurgasho xaalada abaareed ee dalka ka jirta, waxaanaynu la soconaa markii Madaxweynuhu ku jiray safarkii ceerigaabo inay dalka lasoo derseen abaaro xun wakhtigaa Madaxweynuhu u saaray gudi heer qarana oo uu hogaaminaayo Madaxweyne Ku Xigeenka Dalka JSL waxay guddigu markii ay deristay xaalada dalka ay sameeyeen qeylo dhaan ay u direen dhamaan Hay’addaha dunida iyo wadamada aynu jaarka nahay iyo kuwa aynu saaxiibka nahay, Markaa Madaxweynuhu isagoo tixgelinaya taladii gudiga waxaa uu sameeyey inuu u diro codsi Dawlada Imaaraadka Carabta uu ka codsaday in lasoo taakuleeyo shacabka reer Somaliland ee iyagu dhibaataysan markaa arrintani waxay jawaab u tahay taakulayntaa iyo dalabkaa uu Madaxweynuha JSL sameeyey,”

Waxa isna halkaa ka hadlay Wasiir ku xigeenka Waarada Arimaha Dibada JSL Axmed Aadan Ismaaciil oo isna halkaasi ka hadlay ayaa wuxuu tidhi “ Runtii maanta oo ay bishu 16- august waxaa farxad weyn noo ah hadaanu nahay Wasaarada Arimaha Dibada oo aanu ku metelayno Xukuumada Somaliland ee uu Safiirkii Imaaraadkuna nala joogo innaan halkan kusoo dhaweyno Sayir Khaliifa Foundation(Jimciyatul Kheyriiya) oo runtii u timi jawaabta dalabkii qeylo dhaantii uu Madaxweynaha JSL u ka diray, Fursadan annagoo ka faaidaysanayna uga mahad naqaynaa Sayid Khaliifa Foundation yacni sida dhakhsaha ah ee ay qeylo dhaantii Madaxweynaha iyo Gudiga Abaaruha Gudoomiyaha u yahay Madaxweyne Ku Xigeenku ay uga soo jawaabeen, Waxay joogi doonaan hadii illaahay ka dhigo ilaa mudo ku dhow 20-cisho markaasoo ay indhahooda kusoo arki doonaan heerka ay gaadhsiisan tahay Abaartu saamaysay xoolaha iyo beeraha markaa runtii gadaal baanu ka sheegi doonaa meelaha ay tagi doonaan, iyagoo indhahooda kusoo arki doonaa waftiga kolay Media-hoodiina wata sida baaxada leh ee abaartu u saamaysay dad, duunyaba iyo xoolaba, Marlabaad iyo mar saddexaadba waxaanu u mahad naqaynaa Dawlada Imaaraadka Carabta iyo Siyid Khaliifa Foundation yacnii jawaabta ay kasoo jawaab bixisay sida ugu dhakhsiyaha badanle uga soo jawaabtay Dalabkii Madaxweynaha iyo qoraalka ahaa qeylo dhaanta ahaa iyo Gudiga Abaartaba ”

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post