X
    Categories: Warar

Weerraro Dhinaca Tignoolojiga Ah Oo Saamayn Ku Yeeshay in ka Badan 100 Waddan Oo Caalamka Ah

Araweelo News Network


London (ANN)- Weerarkii ugu baallaadhan ee dhinaca Internetka lagu fuliyo, ayaa saameeyey in ka badan 100 waddan oo caalamka ka md ah oo ay ku jiraan dalalka ugu xoogga wayn dunida.
Weerarkan oo hub ahaan loogu adeegsaday barogaraam (software) laga xaday hay’adda ammaanka Qaranka Maraykanka ee magaceeda lasoo gaabiyo NSA oo iyadu samaysatay, ayaa Jimcihii lagu qaaday hay’ado muhiim ah oo ku kala yaal dalal daafaha dunida oo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Ruushka, Shiinaha, Maraykanka iyo qaar kale oo badan.
Daraasaado ay sameeyeen khubarada Tiknoolajiyada Kombiyuutarrada iyo internetku waxay caddeeyeen in weererkani ahaa mid isku xidhan oo cid gaar ahi fulisay, waxaanna Shirkadda la yidhaa Avast ee ka shaqeysa ammaanka internet-ka ay sheegtay in ay heshay 75,000 (shan iyo toddobaatan kun) oo kiis oo ah waxa loo yaqaan WannaCry oo lagu doonayo madaxfurasho oo qayb ka ah weerarka dunida ka dhacay.
Haya’adaha uu sida xun u waxyeeleeyey weerarkani waxa ka mid ah hay’adda Addeegga Qaran ee Caafimaadka ee England iyo Scotland ee dalka Boqortooyada Biritayn, waxanna Wasaaradda Caafimaadka ee Ingiriisku sheegtay in weerar lagu qaaday xogta kaydka internet-kooda oo saameeyey cusbitaallada iyo dhakhaatiirta ka shaqeeya arrimaha qoyska ee gobolka England, iyado arrintaasi keentay in la xidho cusbitaallada qaarkood, isla markaana bukaankii jiifay laga saaro.
Sidoo kale, dalka Spain ayaa cusbitaalo badan oo ku yaala dhowr gobol ay khasab ku noqotay inay hakiyaan addeegyada gargaarka degdega ahaa. Waxa kaloo dawladda Spain tilmaantay in dhowr shirkadood oo kuwa telefoonnada ah la weerarey xogtooda internetka, laguna wargeliyey shaqaalaha shirkadahaasi inay bakhtiiyaan kombiyuutarrada.
Shirkado kale oo waawayn oo laga leeyahay dalalka Bortaqiiska, Sweden iyo Ruushka ayaa iyagana waxa saamayn ku yeeshay dagaalkan dhinaca Internetka, halka dalka Jarmalka uu haleelay mid ka mid ah garoomada diyaaradaha laga raaco, waxaannu wararku sheegeen in dhibaatada ugu xun ee weerarkani u gaystay dalka Ruushka oo gabi ahaan joojiyey shaqadii Wasaaradda Arrimaha Gudaha markii la wada fadhiisayey Kombiyuutaradii ay ku shaqaynaysay.
Weerarkan ilaa hadda cidda ka dambaysa aan la aqoonsan, ayaa lagu dalbanayaa madax-furasho lacageed si kombiyuutarrada ay shaqada ka joojiyeen dib ugu soo fasaxaan, waxaanna sida uu sheegayo khabiir baadhe ammaan ka ah shirkadda Kaspersky ee soo saarta barogaaramada lagaga hortago Fayriska ay lacagta madax-furashada kooxdani dalbanaysaa ka bilaabmaysaa $300, taas oo labadii saacadood ee kastaba u sii kordhaysa $400 ilaa $500, kadibna gaadhaysa $600, waxaanna lacagtaasi ku khasban inay bixiyaan dadka Kombiyuutaradoodu xannibanyihiin haddii aanay haysan barogaraamyo dib u kicin kara (backups).
Weerarkan Internetka ayaa la isku raacay inuu yahay kii ugu ballaadhnaa, uguna xoogga waynaa ee noociisa ah ee dunida laga fuliyo, waxaanna hay’adda ciidanka booliska Midowga Yurub ku tilmaantay weerar heerkiisa aan hore loo arag.
Dagaalka tiknoolajiyada ee madaxfurashada lagu dalbanayo ayaa ku soo badanaya dunida, iyadoo sannadkii hore ee 2016 xarun caafimaad oo ay leedahay shirkadda filimada samaysa ee Hollywood oo ku taal magaalada California ay sheegtay in ay bixisay lacag $17,000 madaxfurasho ah si ay u soo ceshato maamulka kombiyuutaradeeda oo loo dhacay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post