X
    Categories: Warar

Weerarkii Lagu Qaaday Suuqa Kirismaska ee Jarmalka oo Werwer Amni-darro ah ku Riday Dalalka Yurub

Araweelo News Network


Berlin (ANN)- Weerar lagu fuliyey baabuur kuwa xamuulka qaada suuq ay ka dukaamaysanayeen dadka u diyaargaroobaya Ciidda Kiristaanka oo ku yaal magaalada Berlin ee dalka Jarmalka Isniintii, kaasi oo ay ku dhinteen 12 qof ilaa 50 kalena ku dhaawacmeen, ayaa saamayn taban ku yeeshay guud ahaan Qaaradda Yurub.
Weerarkan oo qofkii gaystay aan la hayn ilaa hadda oo uu baxsaday, balse nin mayd ah oo la toogtay loogu dhex tagay baabuurka, kaas oo loo malaynayo inuu ahaa darawalkii oo marka horeba la afduubay, halka Boolisku sii daayey eedaysane loo xidhay falkan oo noqday nin 23 jir magangal-doon u dhashay dalka Pakistan oo lagu khaldamay.
Xeer-ilaaliyaha guud ee Jarmalka, ayaa sheegay in sababta loo sii daayey eedaysanaha xidhnaa tahay markii lagu waayey caddaymo ku filan inuu ka dambeeyey weerarkan waxyeellada badan gaystay.
Guud ahaan ciidammada ammaanka dalalka reer Yurub, ayaa heegan culus la galiyey xilli looga diyaar-garoobayo ciidda Kiristaanka ee bilaambaysa dabayaaqada bishan December, iyadoo laga cabsi qabo in loo gaysto weeraro argagixiso oo culus, kadib markii maalin keliya muddo saacado gudahood ah uu dhiig badani ku daatay saddex weerar oo ka kala dhacay saddex waddan oo Yurub oo kala ah Jarmalka, Turkiga iyo Switzerland.

Magaalooyinka waawayn Berlin, London, Paris iyo caasimadaha inta badan dalalka kale ee Yurub, ayaa la adkeeyey ammaanka, iyadoo ciidammo hubaysan la dhigay goobaha muhiimka ah iyo suuqyada laga dukaamaysanayo ka hor curashada sannadkan cusub ee taariikhda Miilaadiga, iyadoo qaar ka mid ah suuqyada waaweyn ee caasimadaha dalalka Yurub lagu arkay gaadiidka gaashaaman ee ciidanka ammaanka, kuwaasoo ilaalinaya amniga dadka alaabooyinka ciidooda kirismaska ka iibsanaya suuqyada.
Sidoo kale, hay’adaha ammaanka iyo masuuliyiin ka tirsan dawladda Jarmalka ayaa ka digay weerar kale oo ay fuliso ciddii ka dambaysay falkan baabuurka loo adeegsaday ee baxsatay, waxaanna dadka ku nool caasimadda dalkaasi ee Berlin loogu baaqay inay hoos ka xidhaan guryahooda.
Ra’iisal-wasaaradaha dalka Jarmalka haweenayda la yidhaa Angela Merkel oo booqatay goobtii uu ka dhacay weerarka Berlin, ayaa ku tilmaantay falkani inuu yahay mid argagixiso, “Waxaannu u qaadanay weerarkani inuu yahay mid argagixiso,” ayey tidhi Merkel.
Waxa kaloo ay sheegtay in haddii dambiilaha fuliyey weerarkani uu noqdo qof qaxoonti ah inay tahay arrin murugo leh oo walaac hor leh abuuraysa.
Dhinaca kale, inkastoo weli aanay jirin cid sheegatay masuuliyadda weerarkan, haddana kooxda dawladda Islaamka ee ISIS ayaa la sheegay inay bogaadiyeen falkan, isla markaana ku dhiirrigeliyeen taageerayaashooda ku sugan Yurub inay fuliyaan weerarro noocan ah.
Taageerayaasha ISIS ayaa la sheegay in saacad iyo badh kadib weerarka Berlin ay bilaabeen farriimo ay ku baaqayaan in la qaado weerarro badan oo la mid ah ka Berlin muddada Ciidda Kiristaanka.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post