X
    Categories: Warar

Weerarada Qorshaysan Oo Kuusha Goostay Muqdisho Iyo Weerarkii U Danbeeyay Oo Lagu Kharajiyay Sarkaal

Mogadishu(ANN)Dablay Hubaysan, ayaa goor dhowayd magaalada Muqdisho ku khaarajiyay Sarkaal sare oo ka tirsnaa Wasaaradda Amniga Somalia Col Daahir Bare, kaas oo lagu toogtay Weerar qorshaysan oo ka dhacay sarta, ama dhismaha loo yaqaan Saybiyaano ee Badhatamaha Magaalada Muqdisho oo lagu tiriyo goobaha amaankooda sida weyn loo ilaaliyo.

Wararka Qaar, ayaa sheegaya in Sarkaalka la dilay uu la xoday Wiil uu dhalay, kaas oo sida wararka hordhaca ah sheegayaan ku dhintay goobta weerarku ka dhacay.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay weerarkaa oo ahaa kii shanaad ee ka dhaca Magaalada wax ka yar 24 saacadood, iyadoo ay dhamaan weerardaa oo isagu jiray Dilal qorshaysan iyo qaraxyo dadkii fuliyay baxsadeen, isla markaana ishaarayaan in xaalada Magaalada Muqdisho faraha kasii baxay.

Weerarada xidhiidhsan, ayaa kusoo beegmeen xili ay si weyn u ruxayso Magaalada Muqdisho xiisad ka taagan khilaafka Madaxweynaha iyo raysal wasaaraha oo Baarlamaanku ku guuldaraystay in ay cod u qaadaan11 Sep 2014 . Kadib markii kulankaa la xidhay khilaaf gacan ka hadal ah oo dhexmaray xildhibaanada labada dhinac ee mooshinka ku kala aragti duwan.

Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post