X
    Categories: Warar

Weerar Iyo Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho


Mogadishu(ANN)Koox dablay ah ayaa weerar iyo qarax is wata ku qaaday Huteelka Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho, weerarka iyo qaraxa oo ahaa mid gaadhi loo adeegsaday, isla markaana la doonayay in caawa laga fuliyo hotelka, balse waxa arkay Ilaalada Huteelka ka hor intii aan gaadhigu soo gaadhin goobtii u qorshaysnayd sida uu sheegay mulkiilaha huteelka.

Gaadhiga, ayaa qarxay markii ay ka degeen kooxdii wadatay oo ay rasaas tacshiirado ah is weydaarsadeen ilaalada huteelka, waxaana markaa ka dib qarxay gaadhiga sida uu sheegay maamulka huteelku.
Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Booliska Somalia Gen. Muqtaar Afrax, ayaa warbaahinta u sheegay inuu dhicisoobay qaraxa oo sida uu sheegay aan laga fulin goobtii la doonayay in lagu qarxiyo, wuxuuna intaa ku daray in kooxda gaadhiga wadatay la qabtay, iyadoo laba kale oo doonayay inay usoo gurmadaan ninka la qabtayna markaa ka dib ay Booliksu qabteen, kuwaas oo sida uu sheegay xabsiga loo gudbiyay.
Qaraxa, ayaa dhaliyay dhaawacyo gaadiid iyo dhawr qof oo inta la ogyahay dhaawacyo kala duwan soo gaadheen
Magaalada Muqdisho, ayaa hoy u noqotay qaraxyada iyo dilalka qorshaysan ee ay ka fuliyaan Al-shabaab, waxaana la rumaysan yahay inay masuuliyiinta dawlada iyo Hay’addaha amaanka gacan saar la leeyihiin dadka iyo kooxaha falalka qaraxyada iyo dilalka qorshaysan ka fuliyaa, iyadoo baadhitaan lagu smeeyay qarax bishii hore ka dhacay lagu oggaaday 11 sarkaal oo ku eedaysan inay ku lug lahaayeen hawlgalada iyo qaraxyada muqdisho, kuwaas oo shalay xeer ilaalinta Somalia sheegtay in maxkamad loo gudbinayo.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post