X
    Categories: Warar

Weerar Al-shabaab Ku Qaaday Gudaha Kenya Oo Lagaga Dilay Xubo Uu Ku Jiro Sarkaal JIhaad-doonka Ka Yimi Britain Ee Ka Barbar Dagaalama

Lamu(ANN)Weerar Kooxda Al-shabaab ku qaaday saacadihii lasoo dhaafay gudaha dalka Kenya, gaar ahaan deegaanka Lamu oo ah dhinaca waqooyiga ee gobolka Xeebta Mambasa, isla markaana u dhow xadka Soomaaliya, ayaa sababay khasaare, iyadoo 7 ka mid ah kuwii weerarka soo qaaday oo dhinaca Al-shabaab ah lagu dilay goobta.
Saraakiisha Kenya, ayaa sheegtay in ragga weerarka soo qaaday ee la dilay laba ka mid ah ay ahaayeen cadaan u dhashay dalka Britain.

Sarkaal u hadlay Booliska Kenya weerarka kadib, ayaa sheegay in Dableyda halkaasi weerarka ku qaaday oo ku hubeysnaa qoryaha fud-fudud sida, AK47s iyo banbooyiin ay doonayeen inay galaan xero militari, balse ay iska difaaceen ciidanka oo ka war helay, kadibna lagu dilay 7 kuwii weerarka soo qaaday oo laba cadaan ah ay ku jiraan, isla markaana hubkii ay siteen la hayo, isagoo sheegay in dhinacooda laba Askari kaga dhinteen weerarkaa, balse Al-shabaab ayaan wax war ah kasoo saarin weerarkaa.

Mid ka mid ah labadaa Nin ee cadaanka, ayaa lagu sheegay magaciisa inuu yahay Thomas Evans, kaas oo soo islaamay sanado ka hor, isla markaana lana baxay magaca ah Cabdul Xakiim.

Waxa jira xoggo sheegaya inuu waalidkiisa u sheegay inuu Al-shabaab ku biiray sanadkii 2012kii, waxaana la wadaa baadhis ay wadaan Koox boolis caalami ah, kuwaas oo la shaqeynaya ciidamada amniga ee Kneya, si loo garto ninkan la aaminsan yahay inuu yahay Thomas Evans – oo 25 sano jir ahaa kana soo jeeday deegaanka Buckinghamshire ee Britain.

Thomas Evans, oo la baxay Cabdul Xakim, waxa uu ku jiray liiska dadka la xannibay, 2011kiina waxaa loodiiday inuu Kenya soo galo, balse ma cada sida uu ugu soo talaabay Al-shaabab.

Boqolaal jahaad-doon ah oo u dhashay wadamada reer galbeedka, ayaa ka barbar dagaalama Al-shabaab iyo Ururka kale ee Daacish, waxaana lagu qiyaasay in ugu yaraan 70 qof oo u dhashay Britain ku biireen Al-shabaab oo ah Urur hoostaga dalada Al-Qaida sanadii u danbeeyay.

Al-shabaab, ayaa weeraro kala duwan marar baddan uga fuliyay dalka Kenya, kuwaas oo ay sheegteen masuuliyada weeraradaa oo dhliyay khasaare baddan, balse weerarkan oo aanay weli ka hadlin wuxuu noqonayaa kii ugu horeeyay ee khasaare loogu geysto gudaha dalka Kenya weerar Al-shabaab ku qaaday, wuxuuna weerarkan noqoneysaa markii ugu horeysay oo qof British ah uu ku dhinto weerar ay Al-shabaab ku qaaday gudaha Kenya.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post