X
    Categories: Warar

Weedho Kasoo Yeedhay Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya Oo Khilaaf Ka Abuuray Xukuumadda Xasan Sheekh Iyo Baarlamaanka Somalia

Muqdisho(ANN)Weedho kasoo yeedhay Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya Marwo Aamina Mahamed, ayaa khilaaf hor leh ka dhex abuuray Xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Baarlamaanka Somalia.kaddib markii Haweenayda Dawlada Kenya u qaabilsan Arrimaha Dibedda Marwo Aamina sheegtay inay khilaafkii dhinaca xadka Badda ee ka taagnaa labada dal ay wadahadal ku dhamaynayaan.

Arrintan ayaa sababtay in Wasiirka Arrimaha Dibedda Somalia Cabdislaan Hadliye looga yeedho Baarlamaanka si wax looga weydiiyo shaki hadheeyay arrimaha ay dawlada Kenya ka hadashay, iyadoo ay dareenka shaki ee laga bixiyay hadalka Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya sii xoojisay hadal qoraal nah oo Wasiir hadliye kasoo saaray arrintaa, kaas oo sababay in Xildhibaanada Baarlamaanku ka cadhodaan, isla markaana dalbaan inuu Baarlamaanka hor yimaado si wax looga weydiiyo arrimahaa iyo kuwo kale oo mugdi baddan ku jiro.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somalia Cabdisalaan Hadliye, ayaa la filayaa inuu baarlamaanka hortago maalinta Sabtida 4 July 2015, waxayna arrimahan kusoo beegmeen iyadoo hore ay dawlada taagta daran ee Somalia iyo kenya isku maandhaafeen gidaar ay dawlada Kenya sheegtay inay ka dhisay xadka u dhexeeya labada dal, kaas oo si weyn loogu canbaareeyay Kenya, isla markaana laga cabsi qabo inuu noqodo qorshe ay Kenya ku doonay inay ku boobto dhulka Soomaalida, iyadoo uu hore u jiray muran dhinaca xadka Badda oo tan iyo markii ay bur-burtay dawladii Somalia isa soo tarayay.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post