Araweelo News Network

Madaxweyne Siilanyo Degmada sheekh
Hargeysa(ANN)Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo safarkisii gobolada bariga Somaliland ee uu maalmahan ku joogay Togdheer galabta uga soo caraabay gobolka Saaxil iyadoo aad loogu soo dhaweeyey Degmooyinka iyo Tuulooyinka u dhexeeya Burco iyo Berbera.

Silanyo2

Silanyo2

Soo dhawaynta madaxweynaha ee jidadkaa uu soo marayey marka laga soo gudbo waxa si weyn oo maamuus leh loogu soo dhaweeyey madaxweynaha iyo weftigiisa Degmada Sheekh oo ah degmo udub dhexaad u ah taariikhda madaxweynaha Qaranka.

Madaxweyne Siilaanyo oo khudbad u jeediyay dadka degmada Sheekh, wuxuu yidhi,”Aad iyo aad ayaan idinku mahadinayaa sida qiimaha iyo qaayaha leh eed noo soo dhawayseen sidii idin caadada ahayd weeye, sidii laydin ku yiqiinay weeyi, dad shafar mudan baad tihiin, magaalada sheekh waa magaaladii aan ku koray, waa magaaladii aan wax ku bartay waa magaaladii aan ka guursaday waa magaaladii aanu wax weyn weyn weyn isu ahayn weeyi dadweyneheeda, wana ku ogaa waan ku bogaadinayaa waxay u ahayd dhaqan fiican oo wanaagsan marxabayta dadka iyo madaxda iyo soo dhawaynta ay khaas ahaan noo sameeyeen aad iyo aad ayaan idinku mahadinayaa sidaa aad noo soo dhawayseen, safar dheer ayaanu soo marnay meelo badan oo dalka ahna waanu soo marnay, wax wanaagsan ayaanu ku soo aragnay ciidamada qaranka ayaanu la soo qaadanay sanad guuradoodii, wanaaga iyo difaaca dalka ee ay wadaan ayaan la soo aragnay iyagana mahad balaadhan ayaan u celinaynaa safarkaasina imika wuu naga soo dhamaaday oo guryo noqod ayaanu nahay Hargeysa ayaanu ku soconaa markaa insha allaahu tacaala idinkuna sidaad noo soo dhawayseen iyo halkaad marinaysaan dalka iyo dadkaba aad iyo aad ayaan idinka mahadcelinaynaa waana idinku hambalyeynaynaa, waxanan idin leeyahay macasalaama galad iyo wanaag ayeynu isku ognahay “ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo hadalkiisu u muuqday dardaaran.

Weftiga Madaxweynuhu hogaaminaayey waxay caawa ku Sugan yihiin Magaalada xeebta ah ee marsada Berbera oo ay kusoo haydeen Cawayskii caawa, halkaas oo ilaa beri ay ku sugnaan doonaan.