X
    Categories: Warar

‘Waxaan ku Dhiirrigelinayaa Dhallinyarada inay Han Yeeshaan si Isbeddel Dhab ah uga Suurtogalo Dalka’

Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)Murrashaxa madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Md. Jamaal Cali Xuseen, ayaa ugu baaqay dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland inay ka ku dedaalaan sidii ay u yeelan lahaayeen han siyaasadeed oo ay ku hoggaamiyaan dalka.
Qoraal kooban oo murrashax Jamaal soo saaray shalay, waxa uu sheegay in waayo-aragnida uu bartay muddadii uu ku jiray saaxadda siyaasadda Somaliland ay tahay inay dhiirigelisay dhallinyarada dalka, isagoo xusay in odayaashu noqon doonaan mus-dambeedka talada waddanka, haddii dhallinyaradu han yeeshaan.
“Shantii sanno ee u dambeeyey ee aan dalka u soo guuray si aan siyaasadda ugu biiro si toos ah, inkastoo 20 sannadoodba aan si dadban ugu jiray wax badan baan bartay. Dalka waxaan u immi waxaan dareemay in inta aan xoogga ahay dalka wax badan ku biirin karo, siyaasadda dalkuna u baahan tahay jiil cusub. Intii aan sugi lahaa marka aan hawlgabo, waxaan is-idhi intaad weli xoogga tahay dalka u shaqee oo dantaadii gaar ahaaneed jooji,” ayuu yidhi murrashaxa UCID.
“Taasi waxay dhiirrigelin u tahay dhallinyarada wax bartay ee siyaasiyiintu qori isku dhiibka ku dul maamulayso ee aan fursadda la siinayn oo weliba ay u raacdo in madax looga dhigo qaar badan oo ay dhallinyaradu ka sareyso dhinaca aqoonta. Dhallinyarada waxaan ku dhiirrigelinayaa in ay iyagu wax doontaan oo han yeeshaan, si dalkan isbeddel dhab ah uga suurtogalo. Odoyaashu waxay inoo noqon doonaan mus-danbeedka, innaguna xooggii baynu nahay oo dalka inaynu xawaare cusub iyo jiho cusub ku kaxaynno ayaa u taal ruux kasta oo dhallinyaro ah.”
“Haddii aynaan faraha la gelin cidna hadiyad innagu siin mayso. Imminka waxyaabihii aan kala kulmay siyaasadda iyo waxaan ogaadayba way i sii dhiirrigeliyeen, waxaanan runtii culays masuuliyadeed dareemaa markaan arko da’yarta faraha badan ee iskuullada ka soo baxay iyo shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta. Ilaahay kheyrka hayna garansiiyo,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post