X
    Categories: Warar

‘Waxaan Ballanqaadayaa in Shaqayn Doono Horumarka iyo Dhismaha Xisbiga UCID intii Awoodaydu Tahay’

Araweelo News Network

Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Magaalada Cardiff ee Dalka UK oo u Mahadceliyey Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Guddida Fulinta UCID

Cardiff(ANN)Guddoomiyaha cusub ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID u qaabilsan magaalada Cardiff ee dalka UK Mr. Mukhtaar Maxamed Yuusuf Cilmi (Geeraare), ayaa uga mahadceliyey Guddoomiye Faysal Cali-waraabe iyo Guddida Fulinta ee UCID xilka ay u magacaabeen maalintii Khamiista.

Mr. Mukhtaar Maxamed Geeraare oo jooga magaalada Cardiff ee Boqortooyada Ingiriiska, ayaa qoraal mahadnaq ah oo uu soo saaray shalay, waxa uu ku caddeeyey inuu si daacad ah ugu shaqayn doono xisbiga UCID.

“Waxaan u mahadnaqayaa Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Xuseen n iyo Guddida Fulinta ee Xisbiga Daryeelka iyo Caddaaladda (UCID) oo isla qaatay in la ii magacaabo Guddoomiyaha xisbiga UCID ee magaalada Cardiff ee dalka Boqortooyada Ingiriiska maalintii Khamiista ee taariikhdu ahayd 7 January 2016.

Mudane Guddoomiye, waan idinka guddoomay, waanan aqbalay xilka aad ii magacawday, waanan kaaga mahadcelinayaa kalsoonidiinna qiimaha badan, waxaanan ballanqaadayaa in aad xilkaas u gudan doono si daacad ah, kana shaqayn doono horumarka iyo dhismaha xisbiga UCID intii awoodaydu tahay,” ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Cardiff, UK Mr. Mukhtaar Maxamed Yuusuf Cilmi (Geeraare).

Masuulkan ayaa ka mid ahaa sadex xubnood oo ay weheliyeen Guddoomiyaha Garabka Haweenka xisbiga UCID ee dalka Denmark, marwo Fatima Maxamed Cabdillaahi iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee dalka Finland, marwo Farxaan Cumar Jaaquur oo Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe u magcaabay xilal, wuxuuna .
faray dhammaan masuuliyiinta xisbiga UCID inay u fududeeyaan hawlahooda shaqo saraakiisha xilalkaa loo magcaabay.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post