Araweelo News Network

silanyo01

Hargeysa (ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caddeeyey inuu aaminsan yahay in saxaafadda xorta ah tahay muraayadda qudha ee laga daawan karo qaran madaxbannaan.
Madaxweyne Siilaanyo oo hadal ka jeediyey xuska maalinta saxaafadda Somaliland ee 9 November oo lagu qabtay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa shalay, waxa uu sheegay in aan suxufiga lagu xidhi karin sifo sharci-darro ah.

abaalmarintasaxaafada
“Waxaan aaminsanahay in saxaafadda xorta ah ay tahay muraayadda keliya ee laga daawan karo qaran madaxbannaan, taasoo kobcisa ama kor u qaadda garaadka iyo fikirka bulshada fayow. Saxaafaddu waxay dhiirrigelisaa hayaanka horumarka, hiigsiga himillada wanaagsan, ku dhaqanka nidaamka dimuqraadiyadda, tayeynta maamulka wanaagsan iyo xil gudashada madaxda qaybaha kala duwan ee bulshada. Saxaafaddu waxay xaq u leedahay in ay xilkeeda u gudato, si waafaqsan shuruucda dalka, isla markaana aan loo geysan wax caddaadis ah, ama hagardaamo ah oo qawaaniinta baalmarsan,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
Waxaannu intaas ku daray; “Aniga oo ah Madaxweynihii qarankan, waxaan ka soo horjeedaa in la cabudhiyo saxaafadda madaxbannaan. Fikirkaasi waxa uu ahaa mid aan caan ku ahaa doodiisa iyo dagaalkiisa. Soomaalidu waxay tidhaahdaa “Nin haddii uu seexdo oo soo tooso, waa isagii.” Sidaa darteed, waxaan leeyahay ma jiro wax maanta iska kay beddelay ee sidii baan u aaminsanahay arragtidaa siyaasadeed. Suxufiga sharci-darro laguma xidhi karo, lagumana xad-gudbi karo. Hasa yeeshee suxufigu waa bani’daam gafi kara, haddii lagu eedeeyo dunuub ama xuquuq dad muwaadiniin ah oo uu ku xad-gudbay waa in loo maro dariiq sharci iyo garsoor madaxbannaan.”
Waxa Madaxweynuhu uu fariin la xidhiidha xaq-dhawrka iyo ixtiraamka saxaafadda u kala diray hay’adaha amniga iyo masuuliyiinta gobollada dalka, waxaannu yidhi; “Waxaan farayaa Hay’adaha Amniga iyo Maamulada gobollada dalka inay ixtiraamaan, isla markaana dhawraan xuquuqda iyo xorriyadda saxaafadda iyo suxufiyiinta. Dhinaca kale, saxaafadda waxa waajib ku ah ilaalinta Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana in ay u hawlgasho si waddaniyad iyo dal jacayl leh. Sidaa awgeed, waxaan u soo jeedinayaa inay ka feejignaato baahinta wararka laf-jabka ku ah maslaxadda iyo danaha qaranka.”
“Waxaan soo dhaweynayaa dhaliilaha dhabta ah iyo tallooyinka toosinta xambaarsan ee saxaafadda madaxabannaani maamulkayga u soo jeedinayso. Waxaan dulqaad weyn u leenahay dareemmada togan ee dawladdayda lagu durayo, balse waxa reebban been abuurka iyo wararka aan sal iyo raad toonna lahayn, kuwaas oo loo baahan yahay in saxaafadda iyo suxufiyiintu ka waantoobaan,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Md. Axmed Siilaanyo ayaa la dardaarmay bahda saxaafadda, waxaannu yidhi; “Warbaahinta kala duwan ee madaxabannaan, waxaa looga baahanyahay, isla markaana waajib ku ah:
1. inay ku shaqayso dhex-dhexaadnimo iyo madaxbannaani.
2. inay dheeli-tirto wararka ay baahinayso.
3. inay ilaaliso ku dhaqanka shuruucda, anshaxa iyo asluubta suuban.
4. in ay dhawrto xuquuqda iyo xurmada dadka muwaadiniinta ah ee kale sida ay xaq u leeyihiin in la dhawro xuquuqdooda iyo xurmadooda xirfadeed.
5. in ay bir-ma-gaydo yeelato, oo si weyn u dhawrto arrimaha saamaynta ku leh qarannimada iyo amniga dalka.
“Xukuumadda aan gadh-wadeenka ka ahay, waxa ka go’an taakuleynta iyo taban-taabinta Saxaafadda. Waxaan ballanqaadayaa in aanu fulino ama meel-marino arrimahan:
1. Aasaasidda ama samaynta xarun saxaafadda u gaar ah iyo kobcinta aqoonta suxufiyiinta.
2. in Xukuumaddu kordhiso 2017-ka kharashka kabka ah ee SOLJA, iyadoo ay taakulayntan Dawladdu bilowday sannadkan 2016-ka.
3. In Bahda Saxaafadda, gaar ahaan Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA, aanu iska kaashanno dib-u-habaynta shuruucda saxaafadda,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in madaxbannaanida ay saxaafadda Somaliland haysto aanay ka jirin dalal badan oo ku yaal qaaradda Afrika, waxaannu yidhi; “Xorriyadda saxaafaddu waa tiir ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee mabaadii’da u ah hab-dhaqanka iyo dimuqraadiyadda ka tisqaaday Jamhuuriyadda Somaliland ku dhisan tahay. Caad iyo ciiro toonna ma saarna in Xoriyatul-qawlka iyo madaxbannaanida warbaahinta kala duwan ee Somaliland gaadhay ama ku guulaysatayaanay maanta ka jirin inta badan wadammada Qaaradda Afrika.
Arrintani waxa salka ku haysaa:
1. Baraaruga bulshada iyo bisaylka siyaasadda Somaliland.
2. Shuruucda iyo dastuurka dalka oo si buuxda u dammaanad qaaday xuquuqda aasaasiga ah ee madaxbannaanida saxaafadda.
3. Xasuusta xannaftii iyo xannuunkii laga dhaxlay nidaamkii ku dhisnaa caddaadiska, cago-juglaynta iyo cabbudhinta loo gaysto xoriyatul-qawlka.”
Waxa kaloo shirkaas hadalo ka jeediyey Wasiirrada Wasaaradaha Warfaafinta Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), Xannaanada Xoolaha Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Odayaasha Saxaafadda dalka, kuwaasoo dhammaantood iftiimiyey horumarka kala duwan ee saxaafaddu gaadhay muddada 25 sanno ah ee Somaliland jirtay, isla markaana tilmaamay sida ay muhiimka u tahay in la ilaaliyo madaxbannaanida warbaahinta.
Guddoomiyaha Ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa isna faahfaahin ka bixiyey horumarka ay sameeyeen muddada ay xilka hayeen, isagoo sidoo kale ka hadlay baahiyaha u baahan in wax laga qabto.
“Mudane Madaxweyne, dacwado dhowr ah ayaa ka socda Hay’adaha Garsoorka, waanu ku qanacsan nahay in aannu sharciga dalka u hoggaansanno (saxaafad ahaan), Masuuliyiinta Xukuumaddaada waanu ka wadahadalnay wixii xal laga gaadhi karayey xal-baanu ka gaadhnay, wixii ay noqotay in sharciga la mariyana sharciga ayaanu u hoggaansannay, waxaanuna ajiibaynaa wixii aanu halkaa (garsoorka) ka helo, waxaanuse jecel nahay Kiisaskaa in wixii la dhamayn karayo la dhameeyo,” ayuu yidhi Mr. Xuuto.
Waxaannu intaas ku daray; “Kiisaska ugu daran ee dhibaatada nagu haya ee saxaafadda walaaca ku abuuray waxa ka mid ah in Xeerka Saxaafaddu uu muwaadiniinta u jideeyay in hay’ado warbaahineed la furan karo, arrintaa caqabad baa ka taagan oo hay’adaha dawladda ee u xil-saarani aad bay uga caga-jiidayaan. Markaa Mudane Madaxweyne waxaanu kaa codsanaynaa in horumarka Qaranka Somaliland gaadhayo iyo dib-u-dhaca Saxaafadda in la mideeyo oo wixii aad ka qaban kareyso aad ka qabato.”
Waxa kaloo shirka hadal ka jeediyey Guddoomiye-ku-xigeenka SOLJA Mr. Kayse Axmed Digaale oo si gaar ah ula dardaarmay suxufiyiinta ka qaybgalay shir-weynaha labada maalmood socday, waxaannu yidhi; “Waxaan idinkula dardaarmayaa inaad Wararka aad soo direysaan aad u dirtaan si taxadar leh. Waa inaad noqotaan dhexdhexaad oo aydaan dhinacna raacin, kana feejignaada saamaynta (Warka khaldan ku leeyahay) doorashooyinka, Waayo? Waa xilliga ay weriyaha soo gaadho dhibaatada iyo xadhigga ugu badan, markaa weriye kastaa haddaanu dedaal muujin waxa soo gaadhaya tacaddi iyo xadhig.”
Gebogabadii waxa Madaxweynuhu abaal-marinno guddonsiiyey suxufiyiin ku tartamay abaal-marinta CAWKE MEDIA AWARD, taasoo Ururka SOLJA ugu talogalay inuu ku maamuuso Alle ha u naxariistee Weriye Axmed Xasan Cawke.
Weriyeyaasha la abaal-mariyey ayaa lagu tartansiiyey war-bixinno ay ka sameeyeen abaaraha, nabadda iyo arrimaha kale ee bulshada, kuwaasoo kala ahaa;
Telefiishanada: Khadar Maxamed Cukule, Cabdirisaaq Cismaan, Cabdiraxmaan Samiir, Ridwaan Caydiid Ismaaciil (Akiid) iyo Najax Aadan Cunaaye.
Idaacadda: Cabdicasiis Caydiid Cilmi (Yemeni), Maxamed Cabdi Qallinle, Cabdifataax Suudi Cabdi, Caydaruus Cismaan Axmed
Saxaafadda qoraalka ah (wargeys iyo Websites-ka): Axmed Cali Cige, Cabdirixiin Cumar Daahir, Saleebaan Cabdi Cali, Cumar Cabdirisaaq Cali, Cabdillaahi Xasan Budul iyo Khadar Maxamed Xaashi.