X
    Categories: Warar

“waxaa la yaab ah inay 18 Bilood kadib WADDANI, Yidhaahdeen Komishankii hore ayaanu la shaqaynaynaa” Maxamed Kaahin Wasiirka Arrimaha Gudaha

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, isla markaana ah Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Xisbiga KULMIYE, Maxamed Kaahin Axmed iyo Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee KULMIYE, Maxamed Cabdi Dheere, 17 Desember 2019, Araweelo News Network.


Hargeysa(ANN)- Xukuumadda Somaliland iyo Xisbigeeda KULMIYE, ayaa ka hadlay kulan dhex-maray Wefdi ka socda dalalka Beesha Caalamka ee Somaliland ka taageera nidaamka geedi-ssocodka Dumuqraadiyada iyo doorashooyinka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, isla markaana ah Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Xisbiga KULMIYE, Maxamed Kaahin Axmed oo uu weheliyo Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee KULMIYE, Maxamed Cabdi Dheere oo caawa, ayaa sheegay inay horeba shalay u sheegeen inay aqbaleen go’aamadii guddiga dhex-dhexaadinta, isla markaana kulanka wefdiga ka socday Beesha Caalamka ay u cadeeyeen mawifkooda oo aanay waxba iska bedelin.
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ahna Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay inay wefdigaa ka wadahadleen halka ay ka taagan yihiin go’aankii guddiga dhex-dhexaadintu kasoo saareen khilaafka Xisbiyada iyo Xukuumadda ee soo baxay 16 Desember 2019.
“Qoladan (Beesha Calamka), waxaan ka wada hadlay arrimaha doorashada, xisbiga KULMIYE, horeba diyaar ayuu ugu ahaa inay dlka doorasho ka dhacdo, hadana diyaar ayuu u yahay, xukuumadduna waa u diyaar sidii dalka Doorasho uga qabsoomi lahayd, waxa qorshihii hore ugu heshiiyeen Xisbiyada iyo xukuumaddu ahaa inay doorashadu qabsoonto March 2019, waxa aad ogtihiin in 18 Bilood ay qaadatay intii Xisbiga WADDANI, ku murmayay Komishankii inoo qabtay Doorashadii Madaxtooyadda ee dunida oo dhan amaantay, wuxuu diidanaa inuu la shaqeeyo Komishanka, markii danbena Xisbiga UCID, ayaa ku biiray, waxaa la yaab ah inay 18 Bilood kadib ay yidhaahdeen Komishankii hore ayaanu la shaqaynaynaa, KULMIYE, Komishanka hada joogana Komishan qaran ayuu u yaqaan oo wuu la shaqaynayaa, kii hore hadduu soo noqdona KULMIYE, wuu la shaqaynayaa.” ayuu yidhi, Maxamed Kaahin.
Waxa uu sheegay in Xisbiga KULMIYE, arrintaa iyo maaraynteeda meel wanaagsan ka taaganyahay, isla markaana diyaar u yahay in laysku soo dhoaado, si doorashadii loo qabto, waana mid aan balanqaadayno Xisbi ahaan iyo Xukuumad ahaan sidii axsaabta aanu uga wadashaqayn lahayn sidii doorashadu u qabsoomi lahayd, ayuu yidhi, Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin oo ka hadlayay mawqifka kulankaa ay la yeesheen Wefdiga ka socday Beesha Caalamka.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post