X
    Categories: Warar

“Waxa La Hayaa Guddoomiyiha Komishanka Oo Ilma Yar U Fududaynaya Sidii Uu U Codayn Lahaa,” Xoghayaha WADDANI

Khadar Xuseen Cabdi (Looge)

London(ANN) Xoghayaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI  Md Khadar Xuseen Cabdi (Looge) ayaa sheegay in eedaha xisbigu u jeediyay Guddida Doorashooyinka Qaranka ay yihiin kuwo loo hayo dalliillo cad-cad, islamarkaana ay waajib tahay in la kala diro Komishanka.

Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa horraantii sanadkii hore madaxweyne Biixi u gudbiyay qoraal 14 bog ka kooban oo xambaarsan in la kala diro Komishanka doorashada. Qoraalka ayaa lagu xusay in guddidu khaladaad ka samaysay doorashadii madaxtooyada ee 2017.

Xoghayaha WADDANI oo waraysi telefishanka Universal, isagoo ku sugan dalka Britain, ayaa sheegay in xisbigu caddaymo u hayo khaladaadka ay guddida Doorashooyinku sameeyeen “Guul iyo guul darro cidi imika kama hadlayso oo doorashada waanu aqbalay waanu hanaynay oo way socotay, Madaxweyne Muuse Biixi-na waa madaxweynahayga iyo madaxweynaha dhammaan umadda Jamhuuriyadda Somaliland laakiin, waxa la isku haya waxa weeye Khaladaadkii iyo gefefkii Komishankani sameeyeen. Gefefka Komishankani sameeyeena gefef cadcad ayaa ka mid ahaa. Waxa la hayaa oo ‘live’ ah(Toos ah) oo duuban Guddoomiyihii Komishanka oo Ilmo Yar oo da’diisu ka hoosayso xilligii Codaynta isagu u fududaynaya sidii uu u codayn lahaa. Marka anagu taanu ka hadlayna taa weeye, waxaanu ka hadlayna waar doorashadeenii wax baa inaga khaldamay ee darsi maxay ah baynu ka baran karna? Sidee baynu doorashooyinkeena u hagaajin karna? Sidee baynu u qaban karna doorashooyin daahfuran doorashooyinka soo socda? Marka wixii tagay kama hadlayno ee mustaqbalka ayaanu ka hadlayna,” Sidaas ayuu yidhi Xoghaye Khadar Looge

Xoghayaha WADDANI waxa uu sheegay in aanay ahayn markii u horaysay ee xisbi ka cawdo Komishanka sida caadiga ahna cid kasta oo garsoorka ka cabata xaq u leedahay in laga bedelo “ Taariikhda Somaliland maaha markii u horaysay ee xisbi mucaarad ahi ka cawdo Komishan ee uu yidhaahdo ‘uma aragno in Komishankaasi shaqada gudan karaan’ 2009-kii ayay dhacday laakiinse waxa joogay madaxweyne ogol in uu dadkiisa u tanaasulo, waxa joogay madaxweyne ogol in doorashooyinku dhacaan oo hore loo socdo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, Saddexdii xisbi waxay isla go’aansadeen in Komishankii la kala diro waliba Komishankaasi wax doorasho ah may qaban, marka waaba mandaqa caadiga ah aniga iyo adiga haddii qof inoo garqaadayo oo aad tidhaa qofka kuma kalsooni in aan anigu idhaahdo isaga uun baan wadanaya waxaan isleeyahay in ay jaban tahay,” Ayuu yidhi Xoghaye Khadar.

Xoghayaha WADDANI waxa uu sheegay in qoraalka xisbigu ka gudbiyay Komishanka 13 bilood ka hor ahaa mid qodobadiisu faahfaahsan yihiin oo lagu bandhigay khaladaadka Komishanka lana mariyay dariiqiisii sharci laakiin, madaxweynuhu qareen u noqday guddida doorashooyinka isaga oo aan jawaab ama aragtidiisa ku soo celin xisbiga WADDANI  “Waxaanu u aragna in aanay masuuliyadda dib u dhaca doorashooyinka cid la wadaagta jirin madaxweynaha, masuuliyaddana madaxweynuhu leeyahay runtiina ceeb ay Qaranka ku tahay in ay doorashooyinku dib u dhacaan,” Sidaas ayuu yidhi Khadar Xuseen Cabdi

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post