Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)- Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Kaysar Cabdillaahi Maxamed, ayaa ku baaqay in loo baahan yahay sidii mucaarid iyo muxaafidba loogu midoobi lahaa badbaadinta dadka dhibaataysan ee ay saamaynta ku yeesheen abaaraha ka taagan dalka xilligan.
Wasiir Kaysar oo qoraal farriin ah ku faafiyey barta uu ku leeyahay mareegta internetka ee Facebook, waxa kaloo uu tilmaamay in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay markasta diyaar u tahay sidii ay u taageeri lahayd muwaaddiniinteeda.
“Hadh iyo habeenba xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland kama nasanayno gurmadka abaaraha iyo taakulaynta shacbiga tabaalaysan ee reer Somaliland, waxaanay xukuumaddu si wen uga hawlgashay sidii dadkeena loo gargaari lahaa. Taas macnaheedu maaha i arkaay i maqlaay iyo istusnimo shacbiga dhibaataysan lagu dul faano. Dhammaanteen waxa ku waajib ah inaynu isu kaashanno oo aan u midowno mucaarid iyo muxaafidba sidii aynu ummadeena u badbaadin lahayn, waana in laga fogaado murannada ma-dhalayska ah ee niyad-jabka dadweynaheenna ku abuuraya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii loo caawin lahaa shacbigeenna ay abaaraha adag hayaan, waxaannu indhihiisa ku soo arkay degaanada gobollada bariga Somaliland, isaga oo ummaddeenna ugu baaqay in Allaha weyn ay baryaan, iskuna kaalmeeyaan. Sidoo kale, waxa uu baaqyo u diray dalalka dunida si ay caawimo ugu fidiyaan dadkeenna dhibaataysan.
Waxa Madaxweynaha iyo xukuumadda Somaliland ka go’an inay wax kasta oo awooddeenna ah aan isugu geyno badbaadinta shacbigeenna, xisbiyada mucaaradka ahna waxa la gudboon in aanay goolal siyaasadeed oo madhan ka dhex raadin dadkeenna dhibaataysan. Waxa loo baahan yahay inaynu dhammaanteen gacmaha is qabsanno oo aynu isu kaashanno samato-bixinta dadweynaheenna masiiibadu haleeshay, innaga oo Allaheenna kaashanayna,” ayuu yidhi Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Somaliland.