Munaasibada xil wareejinta Wasiir ku xigeenka Caafimaadka oo lagu qabtay Hoolka wasaaradda, waxa goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cusmaan Xuseen Warsame, masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda, saraakiil ka socotay Hay’addaha wadashaqaynta la leh iyo shaqaalaha wasaaradda Caafimaadka.
Marwo Nimco Xuseen Qawdhan wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda caafimaadka oo loo bedelay wasiir ku xigeenka wasaaradda dib-u-dajinta, waxay warbixin kooban oo ay ka jeedisay munaasibada xil wareejinta kaga hadashay wax-qabadka mudadii dheerayd ee ay joogtay wasaaradda caafimaadka, waxa kale oo ay xustay sidii fiicnayd ee ay u wada shaqeynayeen wasiirka wasaaradda caafimaadka, Agaasimaha Guud iyo dhamaan shaqaalaha wasaaradda caafimaadka.
Wasiir ku xigeenka cusub ee wasaaradda caafimaadka Xasan Daahir Dhinbiil, oo hore u ahaa Wasiir ku xigeenka wasaaradda Qorsheynta Qaranka Somaliland oo ka hadlay munaasibada uu xilka kula wareegay, ayaa balan qaaday inuu halkaas ka sii amba-qaadi doono dedaalka loogu jiro kor u qaadida adeegyadda caafimaadka bulshada ee wasaaradda, sidoo kale Agaasimaha guud ee Wasaraadda caafimaadka Dr. Cusmaan, ayaa amaanay Wasiir ku xigeenkii hore Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, isagoo iftiimiyey wax-qabadka wasaaradda caafimaadku heerka uu maanta uu marayo.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed oo hadal ka jeeediyey xaflada, ayaa kusoo dhaweeyey Wasiir ku xigeenka cusub Xasan Daahir Dhinbiil xilka, wuxuuna qiray Wasiir ku xigeenkii hore Marwo Nimco inay wax baddan qabatay, isagoo ku sagootiyey amaan, isla markaana xusay dedaalkii iyo sidii fiicanayd ee ay u wada –shaqeynayeen mudadii ay wada joogeen wasaaradda caafimaadka, waxaana geba gebadii munaasibada la gudoonsiiyey Marwo Nimco Xuseen Qowdhan shahaado sharaf ay ku maamuuseen shaqaalaha wasaaradda caafimaadku, iyagoo shucuurtooda ku muujiyay sida ay uga xumaadeen in Haweenaydaa oo ahayd wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland tan iyo markii lasoo dhisay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dabayaaqadii sanadkii 2010, laga bedelo Wasaaradda.
Xiligii Madaxweyne Siilaanyo ku guulaystay doorashadii Madaxtooyadda 26 Jun 2010, waxay Marwo Nicmo Xuseen Qawdhan ka mid noqotay saddex haween ah oo haweenkii safka hore ee Xisbiga Kulmiye kaga jiray ka mid ahaa, isla markaana xog ogaal u ahaa xaalada dalka, duruufaha nolosha bulshada iyo waaqaca dhabta ah ee yaal, kuwaas oo lagu soo daray Xukuumaddii uu waqtigaa dhisay, waxayna Marwo Nimco Xuseen Qawdhan iyo saaxiibadeed kaga duwanaayeen xubnihii kale ee golaha wasiirada oo intooda baddan ahaa kuwo aan waxba kala socon xaalada dalka iyo nolosha bulshada madaxda looga dhigay oo laga soo waariday dhinaca qurbaha.
Wasiir ku xigeenka Dib –U-dejinta, waxay mudadii ay joogtay wasaaradda Caafimaadka kasbatay dhamaan shaqaalihii wasaaraddaa, taas oo noqotay masuulkii ugu horeeyay ee mudadii uu wasaarada joogay xukuumadihii Somaliland mideeyay shaqaalaha wasaaradda oo kooxo u qaybsanaan jiray marka laga reebo Marxuum Cismaan Qaasin Qodax oo xiligii xukuumaddii Daahir Rayaale ka noqday wasiir.
Marwo Nimco, waxay mar walba ahayd heeggan, waxaana xiliyada habeenkii ee aanay wasaaraddu shaqaynayan lagu arki jiray Cusbitaalka Guud si ay xaalada cafimaad ee bukaanka ula socoto, ama haddii ay jiraan waxyaabo gurmad ah oo loo baahanyahay in wax laga qabto, iyadoo u muuqatay inay hayso masuuliyad ka culus wasiir ku xiggeen, maadaama inta baddan wasiir ku xigeenadu aanay ahayn kuwo xafiisyada kasoo xaadira marka laga reebo xiliyada uu wasiirku ka maqan yahay.
Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, waxa ka markhaati kacay hawlkarnimadeeda, dedaalkeeda daacadnimo iyo masuuliyadeeda mudadii ay joogtay wasaaradda Caafimaadka wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Xagla-toosiye, bulshada ay u adeegaysay ee la kulantay mudadii ay joogtay iyo dhamaan shaqaalaha wasaaradda, kuwaas oo qaarkood dareenkii shucuurtooda qarsan waayeen munaasibadii xil wareejinta, isla markaana la arkayay iyagoo ilmaynaya, waxayna ku sagootiyeen abaalmarin ay ku maamuuseen shaqaalaha wasaaradda Caafimaadku iyagoo midaysan Marwo Nimco Xuseen Qawdhan oo ahayd haweenay xog ogaal u ah xaalada iyo baahida caafimaad ee bulshada, isla markaana daacadnimo, wadaninimo iyo hawl karnimo isku darsatay, taas oo ka dhigtay qof raxmad iyo naxariis baddan oo doonaysa inay u shaqayso dadkeeda iyo dalkeeda habeen iyo maalin.
Lama ogga sababta haweenaydaa looga beddelay wasaaradda oo ay ahayd halkii ay ku haboonayd, balse waxa lala xidhiidhiyay khilaaf dhexmaray iyada iyo wasiirka oo dhinaca maamulka shaqada ah, waxayna shaqaalaha wasaaraddu shucuurtooda ku muujiyeen sida ay arrinta bedelkeeda uga naxeen, iyadoo wasiir xagala-toosye oo u muuqday denbiile guddoonsiiyay abaalmarinta shaqaalaha wasaradda caafimaadku ku maamuuseen Marwo Nimco.
Dareenka iyo shucuurta shaqaalaha oo qaarkood wejiyadooda murugo ku muuqatay, waxay muujiyeen in bedelaada wasiir ku xogeenkoodu ay tahay arrin aan laga fiirsan oo cadaaladdaro dhacday ah, isla markaana waa mid ay dareemayaan in baddan oo ka mid ah bulshada, kuwaas oo filayay in haweenaydaa wasiir buuxa looga dhigayo wasaaradda Caafimaadka, balse may filayn in wasiir ku xigeen looga dhigo wasaarad kale, maadaama wasaaradda Caafimaadku ahmiyad weyn u leedahay bulshada iyo qarankaba.
Si kastaba ha ahaatee waxa hubaal ah in wasaaradda caafimaadka iyo Bulsha weynta Somaliland ay tebi doonaan doorkii Marwo Nimco Xuseen Qawdhan oo hadda loo bedelay wasiir ku xigeenka Dib-u-dejinta Somaliland.
Warbixin Carraale M Jama Freelance Journalist and human Rights activist
Jaamac132@gmail.com