X

Waxa Geeriyooday Hoggaamiye Sharaf Badan: Guddoomiyihii Jaamacadda Alpha Cabdiraxmaan Maxamed Maal

Waxa Geeriyooday Hoggaamiye Sharaf Badan: Guddoomiyihii Jaamacadda Alpha Cabdiraxmaan Maxamed Maal

 

Hargeysa(ANN)-Allah haw naxariiste waxa magaalada Delhi ee  dalka India ku geeriyooday Guddoomiyihii Jaamacadda Alpha, Prof. Cabdiraxmaan Maxamed Maal oo ka mid ahaa tiraarka dhismaha Aqoonta iyo tacliinta Somaliland ku taagantahay.

Waxa Geeriyooday Hoggaamiye Sharaf Badan: Guddoomiyihii Jaamacadda Alpha Cabdiraxmaan Maxamed Maal, Image File Araweelo News Network.

Guddoomiye Cabdiraxmaan ayaa dalka India u tegey xaalad caafimaad, waxaana la filayay soo laabashadiisa isagoo nabad qaba, waxaase dhacay qadar Allah, waxa lasoo sheegay geeridiisa naxdinta badan maanta oo ka mid ah maalmaha khayrka badan ee Bisha barakaysan ee Ramaadaan oo ku beegan 26 April 2021

Allah haw naxariistee Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Maal, wuxuu xilal kasoo qabtay xukuumaddii Somaliland, isagoo qayb weyn ku lahaa ilaa xilligan horumarka waxbrashadda iyo tacliinta Somaliland oo aasaaskeeda uu ka mid ahaa dadkii naftooda u huray ee soo gaadhsiiyay in dalku yeesho maanta Jaamacadda ay Jiilal badan durba ka aflaxeen.

Guddoomiyihii Jaamacadda Alpha Marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Maal, wuxuu ahaa nin sharaf badan, Cibaado, aqoon iyo akhlaaq lagu majeerto oo naxariis badan, waxayna ahaayeen dabaeecadihiisa iyo astaamaha uu lahaa kuwa ka dhigay inuu naftiisa u huro waxbarashadda iyo tacliinta Somaliland.

Geeridiisa ayaa si weyn loo dareemay waana hubaan in laga tebi doono degeladda waxbarashadda iyo Aqoonta, wuxuuna sannadii u danbeeyay juhdi badan geliyay Jaamacadda gaarka loo leeyahay ee Alpha University oo xilligan ka mid ah jaamacaddaha ugu cad-cad geyiga Somaliland.

Prof. Xasan Maxamed Jaamac (xasan xiis) oo ka mid ah aqoonyahanka iyo haldoorka Somaliland, wuxuu ka mid ahaa boqolaal qof oo baraha Bulshada kaga dareen celiyay geerida xaqa ah ee ku timi Prof. Cabdiraxmaan Maxamed Maal, guddoomiyihii Jaamacadda Alpha, wuxuna Prof, Xasan Xiis oo ku tilmaamay derbi dumaay, isagoo ka deareen celinaya geeridaa, “Naxariis iyo nabaadiino Eebe ayaan Ilaahay uga rajaynayaa aqoonyahan, siyaasi, waayeel Cabdiraxmaan Maal. Allay lehe derbaa dumay. Allah ha u naxariisto. Aamiin.ayuu ku yidhi, bartiisa facebook.

Allah haw naxariistee, wuxuu ifka kaga tegey tacab badan oo uu geliyay bulshadiisa, isagoo ahaa Aabo laba xaas lahaa, kuwaas oo xilligan ah qoyays ballaadhan oo dhisan, waxaynu geeridiisa ka tacsiyaynaynaa Qoyska reer Maal, Eheladii Qaraabadii, Asxaabtii iyo bahda waxbarashadda Somaliland guud ahaan gaar ahaana Jaamacadda Alpha geerida ku timi Guddoomiyihoodii Prof. Cabdiraxmaan Maxamed Maal, waxaana Allah uga baryaynaa inuu naxariistiisa ugu deeqo oo janatu fardawsa ka waraabiyo, dhammaanteena samir iyo iimaan saadiqa inaga siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin.

 

اللهم ارحمه و اغفر له و اعف عنه وا نر قبره و انس وحشته و اجمعن به بجنات النعيم. … اللهم ارحم من سبقنا إليك أنر اللهم قبورهم وانس وحشتهم وارحم ضعفهم وتجاوز عنهم واجعل الجنة دارهم وقرارهم بفضل أيامك المباركة من شهر رمضان.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post