Hargeysa (ANN)- Siyaasiga Cabdi Haybe Maxamed oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa ku taliyey in la joojiyo, isla markaana laga waantoobo olole uu sheegay in loo adeegsanayo lacagta iyo hantida ka dhexaysay qaranka Somaliland.
Mr. Haybe oo saxaafadda la hadlay shalay, waxa uu tilmaamay in aan hadda loo baahnayn in dadka loo kala saaro qabiilooyin, balse loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo horumarka Somaliland.
“Abaartii dhacday iyo dhibaatooyinka jira dalku uma baahna siyaasad, iyo in Somaliland qabiilo la kala shiriyo, waana waddan mid ah bariga ilaa galbeedka, imminka se ololahan uu KULMIYE bilaabay wuxuu u muuqdaa marka la eego waxa ka socda Berbera ilaa Burco mid lagu kala qaybinayo waddanka, markaa laba reer haddii ay heshiiyaan reerihii kale xaggee lagaga tagayaan, ma cirkaa loo diray, mise waa waraabe-u-taag? Waxa aan ku talin lahaa in laga waantoobo ololaha loo isticmaalayo kharashka iyo hantida ka dhexaysa ummadda, looguna ololaynayo si qabiilaysan. Taas waa in la joojiyo, loona soo noqdo runta iyo Somaliland-nimada, abaaraha iyo dadka dhibaataysana raashin, biyo iyo dawooyin degdeg ah la gaadhsiiyo,” ayuu yidhi siyaasiga ka mid ah masuuliyiinta xisbiga WADDANI.
Waxa kale oo uu ka hadlay isbahaysiga u dhexeeya bulshooyinka ku dhaqan degaannada Hargeysa iyo bariga Burco ee lagu taageerayo xisbiga KULMIYE, waxaannu yidhi; “Waxaannu ka hadlay dhibaatooyinka abaareed ee dhacay iyo ololaha ku dhex jira ee KULMIYE uu wado. Ceebaha ka dhacay shirkii la iskugu yimmi Burco ee weftigii wada socday ee wasiirrada iyo madaxwaynuhu ka midka ahaayeen ee lala kala faqay ee qabyaalad lagu kala abtirsaday ee la kala saaray dadkii.
Waxa weeye heshiiska la sheegayo ee 1954 kii dhacay ee labada beelood ka hadlaya, malaha waxaan u malaynayaa “NAF-tii” buu ahaa barigii Maykal iyo Axmed Xasan, heshiiskaasina waxay ahayd beryihii asxaabta la sameeyey ee NUF-tii, SNL iyo USP-dii la aasaasay ayey ahayd oo marxuumkii Axmed Xasan iyo Maykal Maryama heshiis ma jirine waxay ahayd beryihii asxaabtii ayaa la sameeyey. SNL oo uu marxuum Cigaal madax u ahaa NAF-tii oo Maykal Marayama madax u ahaa, halka Axmed Xasan uu ku-xigeenkiisa ahaa, heshiis reereed oo dhacay muu jirine, wuxuu ahaa xisbiyadii la aasaasay ee barigii ee gobonimo-doonka aynu ahayn ayay ahayd, laakiin waxyaabaha imminka dhacaya ee la sheeg sheegayaa ma jiro.”
“Xisbiyadii berigaa la abuuray ee lagu tartamayey barigaa NAf-tu kursi ayuunbay heshay, kursigaana waxa ku soo baxay Maykal Maryama, aqlabiyaddiina waxa qaatay SNL iyo USP-dii oo markii dambe isku biiray, waxayna qaateen aqlabiyadda kuraastii loo tartamay, laakiin heshiis reereed oo laba beelood ku heshiiyeen iyo cahdiyo la kala qortey midna may jirin. Intiinba halkan taagan midkiinna muu jirin baan u malaynayaa 1954kii 1950-kii ilaa wixii ka horreeyey, markaa waxan laga sheekaysanayo muu ahayn heshiisyo qabiil ee waxay ahayd siyaasaddii barigaa bilaabantay ee xisbiyada.”
Geesta kale, waxa uu ka hadlay warar ku soo baxay saxaafadda oo lagu sheegay in xilka Guddoomiyenimda xisbiga WADDANI u dhiibay Md. Cabdiqaadir Jirde uu yahay mid aan jirin oo waraabe-u-taag ah.
“Ceebtan ka dhacday Tv-yada ee laga soo daayayna iyo jaraa’idka oo shalay (maalintii Isniinta) aan ku arkayey qaab loogu soo qorey oo la leeyahay xisbiga Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee loo sameeyey xisbiga WADDANI waa waraabe-u-taag iyo Xirsi (hoggaamiyaha WADDANI) ayaa noqonaya ka asalka ah. Arrantaasi waa mid aanay waxba ka jirin, waana isku dir, waa diraan dir la isku diraayay xisbiga ee sheeko jirta maaha,” ayuu yidhi Cabdi Haybe.