X
    Categories: Warar

‘Wax allaale Wixii Awooddeena ah Waxaannu ku Bixinaynaa in aynu Ugaadhsanno oo Sharciga Horgayno Magafayaasha’ Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)Xukuumadda Somaliland, ayaa ku hanjabtay inay awood culus u adeegsanayso sidii xididdada loogu siibi lahaa kooxaha dadka tahriibiya ee loo yaqaanno Magafayaasha, kadib markii la soo sheegay dooni siday tahriibayaal ay ku jiraan dad reer Somaliland ah oo ku degtay xeebaha dalka Masar.
Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Md. Kaysar Cabdillaahi Maxamed, ayaa ka codsaday shacabka inay kala shaqeeyaan xukuumadda iyo ciidammada ammaanka sidii loo qabqaban lahaa Magafayaasha ku shaqaysta tahriibinta dadka oo uu ku tilmaamay inay yihiin dhiig-cabbayaal.
“Tahriibtu waa dhibaato soo noqnoqonaysa, waa dhibaato runtii u baahan in la iska kaashado oo shacab, xukuumad iyo waddamada dariska ahba in la iska kaashado sidii dhibaatadaa looga hortagi lahaa. Xukuumadda Somaliland waxay qaaday tallaabooyin badan, xidhiidho waxay la samaysay waddamada dariska ah, si joogto ah baanay u socdaan, waxa kaloo aannu wacyigelin badan u samaynay meelo kala duwan, iyadoo mar walba laamaheenna warbaahinta Qaranku ay arrintaasi mowduucyo kala duwan ka soo qaataan, laakiin ta muhiimka ahi waxa weeye in dadkan tahriibaya oo u badan dhallinyarada in ay fahmaan in aannu xalku ahayn qofku inuu is dilo,” ayuu yidhi Wasiir Kaysar oo la hadlay warbaahinta shalay.
Waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa ku daray, “Markaa waa arrin u baahan in laga wadashaqeeyo, xukuumaddu way dadaalaysaa, wax allaale wixii awooddeena ahna waxaannu ku bixinaynaa in aynu ugaadhsanno oo gacanta ku soo dhigno oo sharciga horgayno kuwa ka shaqaysata dhiigga shacabka ee tahriibiyayaasha ah ee la yidhaa Magafayaasha, kuwaas waxaannu doonaynaa in dadweynaha reer Somaliland kala shaqeeyaan xukuumadda iyo laamaheenna sirdoonka oo ay la socodsiiyaan meel kasta oo ay ku ogyihiin dadkaa ka ganacsanaya dhiigga dadkeenna.”
Dhinaca kale, waxa uu ka hadlay hiigsiga horumarinta Qaranka ee Wasaaradda Qorshaynta u dejiso dalka oo ku fadhiya bartilmaameed muddo 30 sanno ah, kaasi oo hadda uu dhammaanayo wejigiisii kowaad oo shan sanno ahaa, waxaannu xusay in ay dhawaan shaacin doonaan qorshaha horumarinta ee shanta sanno ee soo socda oo loo dajiyey hannaan ku salaysan cilmi iyo aqoon ay iska kaashadeen aqoonyahan badani.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post