X
    Categories: Warar

Wasiirro ka Tirsan Xukuumadda Somaliland oo Shir la Qaatay Masuuliyiin ka Tirsan Shirkadda DP WORLD

Araweelo News Network

Dubai (ANN)- Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa kulan xog-warraysi ah la qaatay masuuliyiinta shirkadda DP WORLD ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, taas oo gacanta ku haysa maamulka iyo casriyeynta dekedda magaalada Berbera.
Sida lagu sheegay qoraal uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Md. Xuseen Aadan Cige (Dayr) oo saxaafadda soo gaadhay , kulanka dhexmaray wasiirrada Somaliland iyo saraakiisha DP WORLD oo ka dhacay magaalada Dubay (Dubai) ee dalka Imaaraadka Carabta, waxa lagu falanqeeyey casriyeynta dekedda Berbera.
โ€œXubno ka mid ah weftiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan dalka Imaaraadka Carabta ayaa magaalada Dubai kulan xog-warreysi ah kula yeeshay masuuliyiinta sare ee Shirkadda DP WORLD. Kulankaas ayaa waxa lagu lafo-guray hawlaha adeegyada ah dekedda Berbera qabato iyo sidii loo qabyo-tiri lahaa fullinta waxyaabaha dhiman. Sidoo kale waxa lagaga wadahadlay casriyeynta dekadda Berbera oo lagu qalabayn doono qalab casri ah. Kulankan waxa Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ku wehelinayay Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Qorsheynta iyo la-taliayaha madaxweynaha ee arrimaha saxaafadda,โ€ ayaa lagu yidhi qoraalka kooban ee ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada ee Jamhuuriyadda Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post