X
    Categories: Warar

Wasiiro Iyo Xildhibaano Ku Dhaawacmay Weerrar Khasaare Dhaliyay Oo Al-shabaab La Beegsatay Hoteelka SYL Ee Muqdisho

Araweelo News Network

Mogadishu (ANN) ugu yaraan laba iyo labaatan qof ayaa ku dhintay weerar qarax baabuur oo lagu qaaday hotelka SYL ee Muqdisho. In ka badan soddona way ku dhaawacantay.

Masuuliyiinta Soomaaliya ee ay ka mid yihiin madaxweynaha, ra’iisalwasaaraha iyo gudoomiyaha baarlamaanka ayaa cambaareeyay weerarka oo lala beegsaday Huteelka xili uu ka socday shir lagaga hadlayay xaalada amniga.
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan ee maanta ka dhacay Hoteelka SYL oo kaabiga ku haya xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in dadka ku dhimatay ay ka mid ahaayeen askar iyo saraakiil katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa siyaaba kala duwan ugu dhaawacmay qaraxa, ilaha caafimaadka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in isbitaallada la geeyay in kabadan 28 qof oo dhammaantood ku dhaawacmay weerarkii maanta.

Wasiirro katirsan DF-ka ayaa halis ku galay qaraxii maanta iyadoona ay dhaawacmeen intabadan xildhibaanadii iyo wasiiradii ku shirayay Hotelka SYL, balse masuuliyiinta xukuumadda ayaan ka hadlin jiritaanka dhaawacyada kasoo gaadhay halkaa saraakiisha xukuumadda, iyadoo wararka qaar sheegayaan in Wasiirada dhaawacyadu kasoo gaadheen weerarkii maanta ay ka mid ahaayeen Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Dekedaha iyo gaadiidka Badda Nuur Faarax, Wasiiru dowlaha Gaashandhigga maxamed Cali Xagaa.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in Xildhibaanada dhaawacyadu kasoo gaadheen weerrarka ay ka mid yihiin Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow, Xildhibaan Cabdalla Boos,Xildhibaan Caasho Koos, Xildhibaan Sugaal, iyo Xildhibaanad Seynab Maxamed Caamir.

Sidoo kale waxaa qaraxii maanta ku dhaawacmay wariyaal u shaqeynayay warbaahinta ka hawlgasha muqdisho , balse waxa jira warar kale oo sheegaya in saraakiil katirsan sirdoonka DF-ka ay kamid ahaayeen dadkii ku dhintay qaraxii maanta, kuwaas oo aan wali magacyadooda la shaacin.

Al-shabaab ayaa sheegatay qaraxa, waxayna ka digeen horleh ku sheegeen inay sii wadayaan hawlgalada weerrarada iyo qaraxyada, iyadoo qaraxan kusoo beegmay markii saacado kooban kasoo wareegeen xili Militeriga Somalia sheegay in ciidamo ka tirsan dagaalyahanka Al-shabaab gudaha u galeen magaalada Muqdisho.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post