X
    Categories: Warar

WasiirKii Hore Ee Madaxtooyadda Xirsi Xaaji Cali Xasan Oo Ka Hadlay Isbedelka Qaab-dhismeedka Ay Isaga Iyo Saaxiibaddii Heshiiska Kula Galeen WADDANI Iyo Xilka Cusub Ee Hoggaamiyaha Xisbiga

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland.Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka mid ahaa siyaasiyiintii Isbahaysiga ee ku biiray Xisbiga WADDANI, ayaa markii ugu horreysay waxa uu ka hadlay sida uu u arko inay qaataan go’aankooda ku biirista Xisbigaasi iyo xilka ku cusub siyaasadda Somaliland oo la sheegay in loo magacaabayo, kaas oo noqday mid dodo iyo hadalhayn ka dhex dhaliyey bulshada Somaliland kaddib markii ay soo baxday in loo magacaabayo Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI.

Xirsi Cali X.Xasan oo waraysi uu siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, waxaana uu carabka ku dhuftay in ay Xisbiga WADDANI ku heshiiyeen siddii loo wada dhisan lahaa Xisbiga.

“Qaabdhismeedka Xisbiga iyo hannaanka Maamul ee loo bedeli karo iyo weli ba sida loo horumarin karo, sida oo kale shaqada iyo wada shaqeynta iyo barnaamijka la wada iibin karo ee dadka iyo bulshada loo bandhigi karo in aanu wax iska weydiino, way nala waafaqeen waxaas oodhan, waana aanu soo bandhigi doonaa wakhtigeeda.”.Ayuu yidhi Xirsi
“Horta Illaahay baa awood leh, Xisbi guna waxa uu lee yahay qaab dhismeed, annagu na runtii qaabdhismeedkii hore u jiray iyo mid kale oo ay ku dareen ba waanu isla waafaqnay, waana aanu la qaadanay, qaabdhismeedka in ay Xisbiyaddu bedelaan oo hannaan maamul oo kala duwan la sameeyaa waa wax aduunka ka jirta, oggolaanshiyahiisana waxa lagu caddeyn doonaa Golaha Dhaxe ee WADDANI, laakiinse waa wax jira oo dunida oo dhanna laga yaqaano, ma jiro tartan iyo is-garbin naga dhaxeeya Xisbiga e’ waxa aanu doonaynaa in aanu awoodahayaga aanu isku darno oo aanu dhammaantayo wada adkaano ee aanan kala adkaan. “. sidaa waxa yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post