X
    Categories: Warar

Wasiirkii Hore Ee Maaliyadda Samaale Oo Ka Hadlay Mawqifkiisa Tartanka Loogu Jiro Musharaxnimada Xisbiga KULMIYE Iyo Arrimo Kale

Hargeysa(ANN)Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa ka hadlay mawqifkiisa siyaasadeed ee xiligan xiisada ka dhalatay xaraaradda tartanka musharixiinta u xusul duuban Madaxweynaha ee KULMIYE iyo mawqifkiisa halka uu ku danbeeyay hungurigii ka hayay inuu yahay musharax jagada Madaxweynaha marka la gaadho shirka golaha dhexe ee KULMIYE.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxa uu ka hadlay hirdanka iyo loollanka ka dhex-taagan siyaasiyiinta Xisbiga talada haya ee KULMIYE, waxaanu soo dhaweeyey mudada loo qabtay Shirka golaha dhexe ee dhowaan lagu dhaaaqay oo la cayimay 10 Nov 2015. kadib markii todobaadkii hore la shaaciyay.

sidoo kale wuxuu Cabdicasiis Samaale ka warramay marxaladaha kala duwan ee Xisbiga KULMIYE soo maray, isagoo sheegay inuu ka mid ahaa aasaasayaashii KULMIYE, isla markaana halgan baddan usoo galay sidii Xisbiga KULMIYE u guulaysan lahaa, Balse waxa uu soo jeediyey in tartanka Xisbiga dhexdiisu noqdo mid xalaal ah. Sidoo kalena haddii Siilaanyo tanaasulo uu tartamayo, balse aanu la tartami doonin Madaxweyne Siilaanyo.
Wasiirkii hore ee Maaliyadda oo markii isku shaandhayn lagu daray March 2015, loo bedelay wasaaradda Waxbarashada ka cudur daartay, isla markaana mudooyinkan dalka safaro kaga maqnaa, wuxuu sheegay in aanu marnaba ka tanaasulin hankiisii murashaxnimo ee uu ku doonayo inuu noqdo musharax u taagan Madaxweyne marka la gaadho doorashada Madaxtooyadda ee la cayimay April 2017, wuxuuna isagoo ka hadlaya arrintaa yidhi “Waa been aan jirin, waxba kama jiraan, waa bartaydii, annigu bartaydii baan kaga jiraa Tartanka, waxa aan ahay murashaxa koowaad ee u tartamaya madaxweynaha xisbiga kulmiye dhexdiisa, kama tanaasulin, kama hadhin, cid aanu arrintaa ka wada hadalnayna ma jirto, ” ayuu yidhi Cabdcasiis Maxamed Samaale oo waraysi siiyay Telefishanka StarTV.
Loolanka Xisbiga KULMIYE ee siyaasiyiinta ku hirdamaya Murashaxnimada xisbiga ayaa meel sare maraya, waxaa ilaa iminka inta la og yahay hankooda si waadax ah u cadaystay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo Wasiirkii hore ee Maliyadda Cabdcasiis Maxamed Samaale oo loolan adag u dhexeeyay Guddoomiye Muuse Biixi, balse waxa kusoo biiray Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Bixii Yoonis oo maalmihii u danbeeyay loolanka u dhexeeya Guddoomiyaha Xisbiga laga dareemayay Magaalada Hargeysa, iyadoo sidoo kale ay kusoo biireen Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe oo shaaciyay maalmihii lasoo dhaafay inuu yahay musharax Madaxweynaha u tartamaya marka la gaadho shirka golaha dhexe ee KULMIYE iyo sidoo kale Xidhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo sheegay inuu musharax noqonayo haddii laysu tanaasuli waayo.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post