X
    Categories: Warar

Wasiirkii Hore Ee Maaliyadda Cawil Cali Ducaale Oo Madaxweyne Siilaanyo Xil U Magcaabay

Araweelo News Network

Ambassador Cawil Cali Ducaale photo file

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xil u magcaabay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Xukuuumaddii Daahir Rayaale, Ambassador Cawil Cali Ducaale.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Ambassador Cawil, waxa uu Madaxweyne Siiilaanyo u magcaabay, caawa La-taliyaha Madaxweynaha ee Ictiraaf Raadinta iyo Arrimaha Wada-hadallada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya.

sidoo kale waxa Madaxweyne Siilaanyo Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Komshinka Doorashooyinka Soaliland Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdillaahi Jawaan), iyadoo loo magcaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, halka Guddoomiyihii hore ee Gobolka Saaxil Faami Cabdi Bidaar loo magcaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’addaha Caalamiga Ah iyo Kuwa Maxaliga Ah.

sadexda masuul, ayaa ku jiray Liis 21 xil oo Madaxweyne Siilaanyo magcaabay caawa caweyskii, iyadoo Lix masuul oo kale laga qaaday xilalkii ay hayeen.

Cawil Cali Ducaale, waa Dublamaasi xilal kasoo qabtay Dawladii Milateriga ahayd ee Maxamed Siyaad Bare, wuxuuna ahaa wasiirkii hore ee Maaliyadda Xukuumaddii Daahir Rayaale, isagoo si weyn u dhaliili jiray siyaasada Xisbiga KULMIYE xiligii uu hoggaaminayay mucaardka Madaxweyne Siilaanyo, balse waxa uu hore u sheegay inuu la shaqaynayo haddii Madaxweyne Siilaanyo ku guuulaysto tallada dalka, wuxuuna mudadii shanta sanadood ee xukuumadda Madaxweyne xilka haysay indhaha ka qarsaday Ambassador Cawil inuu wax dhaliil ah u jeediyo xukuumadda Madaxweyne Siilanyo sida ay rag baddan oo ku wada jireen xukuumaddii Daahir Rayaale sameeyeen.

Ambassador Cawil, mudadaa shanta sanadood ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo tallada haysay, wuxuu ka muquurtay saaxadda Siyaasadda, marka laga reebo xiliyo kooban oo uu arrimo siyaasadeed oo taagan ka dhiiban jiray aragtidiisa.

Magcaabista xiligan ee Cawil oo ah Dublamaasi karti baddan, isla markaana arrimaha Somalia iyo kuwa Caalamka si fiican ula socda, waxay u muuqataa mid wax ka bedeli doonta saxaadda siyaasadda ee fagaarayaasha iyo furumaha Dublamaasiyadeed ee Mandaqada oo xiligan meel xaasaasi ah u jihaysatay.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post