Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)Wasiirkii hore ee Wasaaradda Kalluumaysiga Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdillaahi Cismaan Geel-jire, ayaa si adag uga hadlay meeqaamkii aadka u hooseeyey ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) loogu qaabilay xafladdii caleemo-saarka dhiggiisa Jabuuti maalintii Axadda ee toddobaadkan.
Mr. Geel-jire oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa shalay, waxa uu sheegay in aanay meeqaam ahaan ku qurux badnayn in madaxweynaha Somaliland ka mid noqdo dadka sacabka u tumayey madaxweynaha Jabuuti iyo madaxda kale ee la socday marka ay galeen hoolka xafladdu ka dhacday, balse ay qurux badnayn in Madaxweyne Siilaanyo ka mid ahaado madaxda sacabka loo tumayey.
“Ummadda Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay joogaan, dalka gudihiisa iyo dibadiisaba si aad ah ayey uga xumaadeen sidii madaxweynaha Somaliland loogu qaabilay xafladii caleemo-saarka madaxweynaha Jabuuti, aniguna dareenkaas ayaan la qabaa oo aan raali ka ahayn sida loo soo dhaweeyey.
Baratakoolku (hab-maamuuska madaxda) waa kala jaad, markaa haddii aynu marti u ahayn isaga (madaxweynaha Jabuuti) iyo shacabkiisa, waxay ahayd inuu madaxweynaheenna siiyo meeqaamka soo dhawayn madaxweyne ee uu siiyey madaxweynayaashii kale ee yimi dalkiisa. May ahayn inuu fadhiisiiyo meel isku dhex-jir ah oo shicib iyo dad kaleba fadhiyaan. Ma ahayn inta uu kadinka kaga hortago inoo ka duwo halka loogu gaynayey kuwii (madaxda) kale ee isaga u tegayey ee salaamayey, manayna ahayn inta uu kadinka kaga hortago oo salaamo inuu yidhaahdo sii dhaafiya oo shicibka dhex fadhiisiya. May ahayn in madaxweynaheennu ka mid noqdo dadka u kacaya ee sacabka u tamaya marka ay soo galaan madaxweynaha Jabuuti iyo madaxda la socotay. Waxay ahayd inuu ka mid noqdo kuwa sacabka loo tumayo,” ayuu yidhi Mr. Cabdillaahi Geel-jire.
“Ragga meesha marayey waxa ka mid ah madaxweyneyaal aan lahayn meeqaamka qof ahaaneed ee uu leeyahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), marka laga reebo ictiraafka caalamiga ah ee dalkoodu leeyahay, markaa may lahayn qaar meesha fadhiyey taariikhda, dadnimada, hoggaaminta iyo halganka ee uu leeyahay madaxweyne Siilaanyo. Qaar maxkamadaha caalamku doon-doonayaan ayaa madaxweynaheenna la yidhi sacabka u tun oo meesha fadhiyey. Meeqaamka uu leeyahay madaxweynaha maxkamadda caalamku doonayso ee aannu lahayn madaxweynaha shacabkiisu doorteen anigu garan maayo.”
Sidoo kale, waxa uu ka hadlay dadka aaminsan aragtida ah in aan la aqoonsanayn dalka Somaliland, sidaa darteedna meeqaamka hoose loogu soo dhaweeyey madaxweyne Siilaanyo.
“Dad ayaa yidhaa lama inama ictiraafin. Madaxweynuhu ma tegin Qarammada Midoobay oo kursigii Soomaaliya lahayd ee dawladda la ictiraafsan yahay fadhiisato kuma murmayn oo ma fadhiisan, mana tegin Midowga Afrika, hay’ad kale oo caalamka ahna ma tegin oo kursigeeda loo qoondeeyey Soomaaliya, balse waxa uu tegay waddan aynu walaalo nahay oo ina martigeliyey oo isagu xor u ah meeqaamka uu u qabanayo, manay ahayn in aynu aqbalno (meeqaamka hoose ee lagu qaabilay), laakiin sida aynu uga barannay madaxweynaheenna niyad-wanaag ayuu wax walba ku sameeyaa oo niyad-wanaag uu u samaynayey ummadda iyo dalka aynu walaalaha nahay ayuu u qaatay in aannu halkaas ka samayn, sida aan malaynayo wax ka duwan waxa lagu maamuusay,” ayuu yidhi Geel-jire.
Waxa kaloo uu ka raalligeliyey shacabka reer Jabuuti ee jecel danta iyo wanaaagga Somaliland in madaxweynaha ay jeclaayeen si aanay filayn loogu soo dhaweeyo dalkooda, isagoo xusay in wayxaabaha noocaas ah yihiin arrimo dhaca mararka qaarkood, hase ahaatee aanay dadweynaha iyo dawladda Somaliland u dhimanayn dhacdadaas sida foosha xun u dhacday.
“Halka madaxweynaheennu taagnaa (markii madaxdu galeen hoolka xafladdu ka socotay), waxa ku baydhay oo gacanta u dhiibay Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya oo salaamay, wuuna ku leexday, laakiin kuwan kale ee Soomaalidu ka mid tahay ee Carabtu ka mid yihiin orod ayey ku dhaafeen. Waa laga yaabaa in dadka qaar yidhaahdaan; ‘lax walba shilka ay is dhigto ayaa lagu qalaa.’ Innaga ayaa isugu wacan oo aqbalnay in madaxweynaheennu halkaas tago, waana la innagu canaanan karaa, laakiin xil, dadnimo iyo wanaag ka weyn ayeynu haynaa, waana ta aynu u iilan weynay,” ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Kalluumaysiga Somaliland.