X
    Categories: Warar

Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Warancadde Oo Baaq U Diray Madaxda Xisbiyada Somaliland

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, haddana ku magacaaban Safiirka Itoobiya Md. Cali Maxamed Warancadde, ayaa ugu baaqay madaxda xisbiyada siyaasadda inay noqdaan dad xil-kas ah oo yareeya khilaafkaadka iyo isku qabsashada axsaabta.
Md. Cali Warancadde waxa uu tilmaamay xisbiyada siyaasaddu yihiin hanta qaranku leeyahay oo ujeeddada laga leeyahay ballaadhan tahay, taasina tahay sababta tiradooda mar walba loogu koobay saddex xisbi, sidaasi darted loo baahan yahay in la ilaaliyo midnimadooda iyo in aanay burburin.
“Arrimahaasi waa qaar fool-xun oo kharriban, waa arrimo ka fog wixii aynu u samaysannay axsaabta, runtii saddexda xisbi ee aynu leenahay waxaynu ugu soo koobnay in aan dadkani kala filqamin oo aan qabyaalad iyo gobolaysi loo kala bixin ee saddexdaa xisbi lagu khasbanaado oo ninka iyo xaaskiisa iyo labada walaalaha ahi kala gali karaan oo mabda’ ay aaminsanyihiin iyo barmaamijkooda siyaasadeed ku kala raacaan, waynu diidnay wax intaa ka badan oo xataa waxaynu diidnay qof murrashax madaxbannaan ah oo aniga ayaaba isa soo sharrixi lahaa haddii uu jiri lahaa, waxaanna loo diiday in aannu tafaraaruq ku iman shacabkeenna oo aynu ka ilaalino qabyaaladda.
Markaa waxaynu u baahannahay ragga madaxda ka ah axsaabta iyo kaadirka axsaabtu inay noqdaan dad xilkas ah oo ku heshiiya xisbiyada oo aan is qabqabsan oo wax isu hanneeya, si shacabku u helaan meel ay ku hirtaan, laakiin haddii axsaabta laga soo qayliyo shacabkana niyad-jab baa ku dhacaya oo cid ay doortaanba in aanay garan baa laga yaabaa, markaa waxaan ugu baaqayaa madaxda iyo kaadirka axsaabta inay isu ilaaliyaan dadka ku jira xisbiyada, xisbiyadu waa hanta qaran oo aynu leenahay oo aynu muddo soo dhisanay, inay innaga burburaan looma baahna,” ayuu yidhi Cali Warancadde oo u warramay telefishanka madaxbannaan ee Star shalay.
Waxa kaloo uu meesha ka saaray inay jirto cadho uu kaga maqanyahay xilka safiirnimada Itoobiya ee aannu weli la wareegin tan iyo markii loo magacaabay oo ay ka wareegtay muddo ilaa saddex bilood, waxaannu yidhi, “Annigu ma ihi nin xanaaqa oo weligayba wasiis waan ahaa oo waan dhici jiray, waanan soo bixi jiray, waxani waa calaf ee maaha wax qof bani’aadam ahi ku shaqo leeyahay, Ilaahay ugama cadhoon kartid waxani wuxuu ku qoran yahay Looxul-maxfuudka, markaa hadday dawladdan tahay, hadday mid hore tahay iyo hadday xilkaan joogo maanta tahayba waa wax xagga Ilaahay ka qoran ee maaha wax qof loogu cadhoon karo, laakiin dadkayga iyo dalkayga iyo dawladaydaba waan la shaqaynayaa, wax cadho ah oo jirtaana haba yaraatee ma jirto.”
“Anigu dawlad baan la shaqeeyaa oo Madaxweynaha ayaan la shaqeeyaa oo Qarankaan u shaqeeyaa, dawladduna xisbi bay ka soo jeedaa, markaa xisbiga iyo dawladduna waa isku mid, markaa halkaa wax laga qod-qodaa in aanay jirin baan u malaynayaa,” ayuu Cali Maxamed Warancadde oo ka jawaabayey su’aal laga waydiiyey inuu ka tirsan yahay xisbiga KULMIYE iyo in kale, mar haddii laga qaaday xilkii wasiirnimo.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post