X
    Categories: Warar

Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Dibadda Somaliland Oo Ka Digay In La Afduubo Shirka Gollaha Dhexe

Maxamed Biixi Yoonis, wasiirkii hore ee arrimaha Dibadda oo ka mid ah musharaxiinta ku loolamaya Xisbiga KULMIYE.

Hargeysa(ANN)Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland, isla markaana ka mid ah Musharaxiinta Xisbiga KULMIYE ku loolamaya Maxamed Biixi Yoonis, ayaa ka digay in la afduubo shirka golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, isagoo walaac ka muujiyay habka loo wado qaban-qaabada shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE , oo loo asteeyay 10 Nov 2015.
Musharax Maxamed Biixi Yoonis, wuxuu ku tilmaamay booqashadii shalay Madaxweyne Siilaanyo ku qaatay Kaadhka ee xarunta Xisbiga mid muujinaysa inuu si cad ula saftay dhinac, wuxuuna sheegay in hadii xisbiga aan lagu soo celin saaxadii uu ku jiray uu qaadi doono dhabihii xisbul akimkii hore ee UDUB.
Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibadda Maxamed oo ka mid ahaa 15 masuul oo iska casilay Xuuumadda Madaxweyne Siilaanyo labadii maalmood ee udanbeeyay, wuxuu arrimahaa iyo kuwo kale kaga hadlay mar uu maanta warbaahinta la hadlay.
Halkan Ka Daawo Dhawaaqa Maxamed Biixi Yoonis Riix.

 Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post