X
    Categories: Warar

Wasiirkii Gargaarka Iyo Masiibooyinka Dawladda Federaaalka Ee Somalia Oo Is Casishay

Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Wasiirka gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maryan Qaasim Axmed ayaa maanta sheegtay in ay iska casishay xilkii wasiirnimada ee ay ka haysay golaha wasiiradda Ra’iisal Wasaare  Xassan Cali Kheyre.

Wasiir Maryan ayaa is casilaadeeda ku baahisay barta ay ku leedahay Twitter-ka, balse wali xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaan wax hadal ah kasoo saarin arrintaas.

Hase yeeshee Wasiiradda oo la hadashay taleefishinka Goobjoog ee fadhigiisu yahay Muqdisho, ayaa faahfaahin ka bixisay sababta ay isu casishay, waxayna tidhi  “Waxaan rabaa in aan idiin xaqiijiyo in aan iska casilay xilkii wasiirnimada, aniga oo illaahay uga baryaya xukuumada in booskeyga qof aniga iga wanaagsan uu u buuxiyo , hadda waxaan uga tagay xilkii aan hayay , waxaa igu adkaatay duruufta shaqo, wasaarad sida looga shaqeeyo ayaan aqaanaa, laakiin shaqada marka ay is barbar yaac tahay, wax walbo isku qasanyihiin , waxbo kala baxsanayn, wareer badan ayaa laga qaadayaa,”.

 

Maryan Qaasim, waxay  intaas ku dartay in aanay xukuumadda mucaarad ku ahayn, iyada oo sheegtay in ay go’aansatay in ay siyaasadda faraha kala baxdo, bulshadana ugu adeegto sidii kale oo suurtogal ah.

Waa wasiirkii labaad oo xilka iska casila muddo 2 bilood gudahood ah, waxaana horay isu casilay wasiirkii gaashaandhigga kaas oo aan illaa hadda xilkiisii cidna loo magcaabin.

Ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre, ayaa xiliga is casilaadda ay ku dhawaaqday wasiiradda kusii wajahnaa magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelada Hoose, halkaas oo ay tahay markii ugu horeysay oo uu tagayo tan iyo intii xilka loo magacaabay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post